SIR CULUS OO FASHILANTAY:- WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND OO LOO SOO DAABACAY MANHAJ LAGU MIDEEYAY WAXBARASHADA DALKII LAYSKU ODHAN JIRAY SOOMAALIYA OO AY SI WADA-JIR AH U SAXEEXEEN WASIIRAD SAMSAM IYO AGAASIMAHA MANAAHIJTA EE WASAARADDEEDU | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SIR CULUS OO FASHILANTAY:- WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND OO LOO SOO DAABACAY MANHAJ LAGU MIDEEYAY WAXBARASHADA DALKII LAYSKU ODHAN JIRAY SOOMAALIYA OO AY SI WADA-JIR AH U SAXEEXEEN WASIIRAD SAMSAM IYO AGAASIMAHA MANAAHIJTA EE WASAARADDEEDU
July 22, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N)- Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa la sheegay inay saxeexday Manhajka lagu midaynayo Waxbarashada Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya.

Hayádda African Education Thrust ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (AET) oo baryahan dambe ka shaqaynaysay sidii loo midayn lahaa manhajka Waxbarasho ee Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, isla markaana dhallinyarada soo koraysa ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya loo barri lahaa waxbarasho isku mid ah, ayaa sida la sheegay ku guulaysatay midaynta manhajkaas, kadib markay ka jibo keentay isla markaana ku guulaysatay midaynta manhajyda dalaka Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.
Wasiiradda iyo Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa gebi ahaanba ku guul-darraystay diidmada iyo joojinta Manhajka cusub ee Soomaliya loo samaynayo muddo sadex iyo labaatan sanno laga joogo, kadib markii wasaaradda iyo waaxda samaynta iyo ilaalinta manhajka somaliland sida la sheegay dhaafsadeen waxoogaa lacag ah oo farro guudkooda oo hayáddu ku mustafaysay, iyo danno gaar ah oo dhex galay wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan Xafiiska Waaxda Manaahijta.
Manhajkan oo ka kooban shixnad xadigeedu gaadhayo ilaa toban Koontiinar ayaa wararku sheegayaan in gebi ahaanba Buugaagta waxbarashada ee kala duwan uu Jeldigooda ku sawiran yahay ama ku xardhan yahay Calankii Buluuga ahaa dhexdana Xidigta cad ku lahaa ee Soomaaliya, kadib iyada oo wasaaraddu dalkeeda khiyaamaynaysa ay isku raaceen in jeldiga laga bedelo dhammaan Buugaagtaas, balse ay ka soo baxeen gudaha Buugaagtaas wax aan la bedeli karin isla markaana loo dhigi karin dhallinyarada reer Somaliland ee Ardayda ah isla markaana Dugsiyada Dalkan Somaliland ku dhigta manhajka Somaliland.
Waxyaabaha ugu badan ee lagu daabacay gudaha buugaagtan ayaa wararku sheegayaan inay ka mid yihiin Calanka Soomaaliya, Maabkii Dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya ee loo yaqaano seven-ka ama u qorma sida todobada tirade ah, astaanta Qaranka Soomaaliya ee Labada shabeel iyo xidigta dhexda, Madaxweyne Aadan Cabdale Cismaan (Aadan Cadde), Drs. Xaawa Cabdi, oo ah Dhakhtarad u dhallatay Koonfurta Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah Taalooyinka ay xusaan dadka ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya, sida Xaawa Taako, Sayid Maxamed Cabdile Xasan, Dhagax-tuur iyo kuwo kale oo badan.
som-ururis

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halka laga saaray manhajka Somaliland intaa badelkeeda oo ay ka mid yihiin Calanka Somaliland ee Tawxiidka leh, Astaanka Qaranka Somaliland ee Gorgorka iyo Miisaanka, Maabka Somaliland, Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Marwo Edna Aadan Dhakhtar iyo taalooyinka Somaliland ku caanka ah sida Miiga Dagaalka ee Saaran badhtama Magaalada Hargeysa iyo kuwo kale oo badan.
sawiro-somalialnd

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Illo xoggeedyo Wargeyska Hubaal ka helay Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ay wasiirad Samsam garan la’dahay si ay tidhaahdo buugaagtay maadaama aanay qaybin karin, celin karin amaba aanay gubi karin, isla markaana aanay haynin wax kale oo manhaj ah oo ay ugu bedesho shanad dugsiyeedkan 2014-ka oo dhawaan bilaabmaya, isla markaana dagaal iyo dood badani dhex martay iyada iyo xafiiskeeda Waaxda Manaahijta, arrintiina xaga dambe kala fool xumaatay wasaaradda, walaw ay hore khiyaamo Qaran kula kaceen Wasiiradda iyo Wasaaradeedu ummadda reer Somaliland, isla markaana usoo qaadeen wax aan laysku ogayn
Sidoo kale wararku waxa ay intaa ku dareen in ay wasiiraddu ay isku dayday inay Hayádda AET ku dafirto dalabka manhajkan Soomaaliweynta ah ee loo soo daabacay, balse Hayáddu soo hor dhigtay heshiiskii iyo buugaagtii ay saxeexeen xafiiska Manaahijta Somaliland in loo soo daabaco, cadhuufteedana dib u liqday markii xaqiiqada la hor dhigay, sidoo kalena weyday wax ay dembi uga dhigto Hayádaas maadaama ay Wasaaraddeedu saxeexday dalabka iyo daabacaada Manhajkan.
Wakhtigii la waday midaynta Manhajkan Soomaaliweynta ah ayaa waxa wax ka qoray Wargeyska Madaxa Bannaan ee Waaheen, kaas oo sheegay in saraakiil ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo kuwo ka socda dalalka Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya marar badan ay ku kulmeen Dalalka Kiiniya, Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, iyaga oo saraakiishaasi kulamada ay kulmayaan ay kaga arrinsanayeen kagana wada shaqaynayeen sidii la isku waafajin lahaa manhajka lagu heshiiyay ee loo wada samaynayay dalalkaas hore u kala goáy, qorista warkaas oo Wasiir Samsam ay Wargeyska Waaheen kula gashay dagaal adag oo cidiyo ku dagaalan ah, dagaalkaas oo sababay in Wargeyskaasi soo bixi waayo hal cadad oo bulshada reer somaliland sugaysay, kadib markii goor habeeni ah ay weerartay wargeyskaas, weerarkaasina sababay heer wargesyku u baaqdo weerarkeedaas.
Wasiirad Samsam ayaa la odhan karaa waxay kaga mashquushay shaqadii Wasaaraddeeda Waxbarashada oo laf-dhabar u ah Dalka, arrimo hoose iyo sidii ay u ilaalin lahayd Madaxweyne Siiraanyo ugana ilaalin lahayd odoyaasha, siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo waxgaradka beesha ay ka soo jeedo, oo ay isku dhigto inay maamusho ama taladooda ay ku leedahay saamayn weyn.
Si kastaba ha ahaatee,arrintan lagu mideeyay manhajka dalalkan ayaa laf-jab ku ah Qarankan Somaliland oo ah Qaran gooni u taagnaa muddo imika laga joogo sadex iyo labaatan sannadood, isla markaana lahaa manhaj gaar ah oo ay wax ku bartaan ardaydiisu.
Wajaale.news desk
hargaysa

XIGASHO:HUBAAL MEDIA

COMMENTS
LINKS