Silaanyo intuu nin beeshiisa ah leeyay xidha Kulmiye ayuu ka baxee amniga dalka ha sugo by Abdi Mustafe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Silaanyo intuu nin beeshiisa ah leeyay xidha Kulmiye ayuu ka baxee amniga dalka ha sugo by Abdi Mustafe.
July 5, 2014 - Written by Wariye:

Waxaasi kaa shaqeyn meyso hadaad xidhi kareysana markuu hudheelka ku jiray baad qaban lahayad

 
Silaanyo iyo xertiisu waxay ku mashquuleen hebel ha la soo qabto balankii beesha wuu ka baxay oo xisbi mucaarada ayuu ku biiray e. Ninka Habar Jeclo haduu Kulmiye ka baxo muu duminin deyrkii mecca diintana kamuu bixin ee ra’yigiisa ayuu ku meel maray. Habar jeclo nimado sida Silaanyo ka dhigayo diin maaha ee waa qabiilo ka mida qabailka kale ee wax buu u dhimayaa sumcada reerka oo Silaanyo wuxuu doonayaa in isaga iyo xertiisu oo keliyi ay u fekeraan reer dhan oo shiekh iyo shariif ba le. Badhasaabka

Ramaax ee inta Berbera laga eryay hadana dowlada ka hoos bixi waayey ee baryo la hor fadhiyay si xil loogu dhiibo wuxuu ku anda cooday siyaasiga Waddani Maxamoud Raage in aannu isa soo sheegin markuu Ceerigaabo imanayay. Waxaasi kaa shaqeyn meyso hadaad xidhi kareysana markuu hudheelka ku jiray baad qaban lahayad ee waxaad ogtay Ramaaxow in aanad ceerigaabo joogteen hadaad xidho. Ramaax wuxuu noqday cigaal shiidaad kii yidhi sug horta bahalku neefka xerada ha kala baxo e. Ramaax jiida aad joogto waad ogtay cida ku xoog roon ee hadaad itaal haysay Maxamoud Raage markiiba waad xidhi lahayd ee toll yaraan baa halkaa ku dhigtay.
Silaanyo waxba yuu ku khafiifin nin beeshiisa ah oo xisbi kale u diga rogtay waxba kama qaban karo maskaxda dadka e. Macaamilka noocaasi waa nooc min waali daahira qof yidhi qof kale ayaan maskaxdiisa xukumayaa. Silaanyo haday xasuus daradii tana u raacdo waabamishkilad weyn

 

Abdi_Mustafe123@yahoo.com

COMMENTS
LINKS