|
|||||
WAJAALE NEWS
Siilaanyo Wuxuu Taagan Yahay Halkii Xabiib Burqiiba,; Qormadii 1 aad:
July 18, 2014 - Written by Editor:Xukuumadda somaliland ee maanta jirta waxa lagu tilmaami karaa inay la mid tahay,laba kooxood oo iskugu yimid ciyaarta kubadda cagta ah oo final-ka ,ciyaartaasi garoonka ay ka dhacaysaana ma laha xakam ama garsoore ama siidhi wale dhex dhexaadinaya ciyaartoyda garoonka dhexdiisa ku sugan,kii khalad ku gala ciyaarta dhexdeedana siidhiga ku afuufaya ,oo siinaya huruud iyo casaan marba kaadhka uu mutaysto u taagaya. Sidoo kale garoonkaasi malaha labadii gool ee biraha iyo shabaga ka sameysnaa ee ay labada kooxood kala yeelan lahaayeen ee lagu tirin laha goolasha dhasha,sharci ahaan kubada cagta waxaynu ku naqaanaa in marka labada gool wade laga reebo labada kooxood mid walba ay u soo saftaan 10 ciyaartoy oo dhexda ka ciyaara. Hadaba ciyaartani malaha tiro cayiman oo marba tirada la doono oo ciyaartoy ah ayaa la soo geliyaa inta la doonana waa laga saaraa,waxa intaa ka sii daran ,kooxahan ciyaaraya ee aynu daawanaynaa ma laha direyskii ama astaantii lagu garan lahaa kooxda uu u ciyaarayo ,sidoo kale garoonku malaha xuduudo cayiman oo marka ay kubadu dhaafto lagu ogaan lahaa isla markaana garoonka kuma sugna labadii calan wale ee sharci ahaan ay ahayd inay ciyaarta socota qayb ka noqdaan. Waxyaabaha kale ee ugubka ku ah ciyaartan kubada cagta ah ee umadda reer somaliland ay daawanayso labada kooxood ee ciyaaraya waxa maagcyadooda la kala yidhaahdaa kooxda XIDIDNIMO iyo kooxda XIGAALNIMO ,waxa inta ka sii daran labadan kooxood ma laha tababarayaal rasmi ah oo la yaqaano oo garoonka ku sugan oo awood u leh ciyaartooyda ay u arkaan in uu ciyaarta ku liito ama uu daalay inay bedeli karaan. Hadaba qofka doonaya in uu ka qayb qaato ciyaartan waxa u furan in uu laba dariiq mid uu soo maro,hadii aad doonayso inaad ciyaarta ku soo gasho magacaga kooxda XIDIDNIMO waxaa garoonka ku sugan oo aad u tegaysaa BAASHE CAWIL oo uu Siilaanyo sodog u yahay ,waxaanu gashan yahay oo aad ku garan doontaa shaadh weyn oo uu dhabarka kaga qoran yahay magaca MOORGAN,maroorgana waa ninkii uu sodoga u ahaa Maxamed Siyaad Barre ee markii hore ahaan jiray taliyihii qaybta 26 aad , markii danbena loo magacaabay wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta ,moorgan bar barkiisa hadii aad eegtana waxay markiiba indhahaagu ku dhacayaan AAMINA WERIS ,iyadana astaanta ama calaamadda aad markiiba ku garan doontaa waxay tahay waxay gashantahay shaadh weyn waxaana dhabarka kaga qoran magaca KHADIIJA MACALIN oo ahayd afadii maxamed Siyaad Barre oo markii ay aragtay in odaygeedii Siyaad Barre uu jidh ahaan iyo maskax ahaanba liito ayey tidhi dhaxal nin xiga lagama dhawro oo ay kursigii isku kala bixisay. Akhristow hadii aad doonayso inaad ciyaarta ku soo gasho magaca kooxda XIGAALNIMADA ku ciyaaraysa waxaad makriiba garoonka ka helaysaa wasiirka madaxtooyadda mr Xirsi isagana astaanta aad ku ragan kartaa waxay tahay wuxuu gashan yahay shaadh weyn oo jilbaha u jooga waxaana dhabarka kaga qoran magaca MASLAX oo ahaa wiilkii firfircoonaa ee uu dhalay Siyaad Barre sidoo kalena waxaanad bar barkiisa ka waayeynin wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi oo isagana calaamadda aad ku garan kartaa ay tahay shaadhka uu gashan yahay waxaa dhabarka kaga qoran magaca GAANI oo ay qaraabo dhaw ay ahaayeen Siyaad barre oo ahaan jiray taliyihii qaybtii 26 aad markii danbena loo magacaabay wasiirkii beeraha ee dawladii somaliya. Hadii se aad ka mid tahay dadka garoonka ku sugan oo aad doonayso in aysan kugu dhicin shaanbadda XIDIDNIMADA iyo TA XIGAALNIMADDU isla markaana aad doonayso in hantida umadda ee la boobayo aad wad ka qaadato oo uu hunguri kaa galo waxaad u tegaysaa oo siaguna garoonka ku sugan xiligaasi wasiirka maaliyadda C/casiis Samaale isagana astaanta aad ku garanaysaa waxay tahay shaadhkiisa waxa dhabarka kaga goran magaca MAXAAN CUNAA marka aad dadweynaha aad weydiiso sababta uu magacaasi shaadhka ugu qortayna waxay ku sheegayaan SAMAALE wuxuu ahaan jiray gudoomiye ku xigeenka 1 aad ee golaha wakiiladda xilkan maanta uu hayana waxa ma meeqaab sareeyey xilkii uu hore u hayn jiray ,halka waxaad ka garanaysaa in sababta uu xilka u qabtay ay tahay in dhaqaalaha umadda ee la boobayo uu qaybtiisa qaato ,samaale bar barkiisa waxaa inta badan fadhiya oo aad ku arkaysaa wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaalle shaadhka uu gashan yahayna waxa dhabarka kaga qoran oo aad ku garan kartaa magaca AFAR JEEBLE oo far waaweyn ku qoran hadii aad dadweynaha aad weydiiso sababta uu magacaasi ula baxayna waxay kugu jawaabayaan wasiirkani wuxuu u shaqeyn jiray shirkad batroolka iyo macdanta baadha oo maraykanka laga leeyahay somalilandna u muu soo doonanin mushahar ee wuxuu u yimid in uu AFARTA JEEBBA ka buuxsado waxaanu shaqadii uu shirkadda maraykanka ah u hayey iska casilay makrii uu siilaanyo u magacaabay wasiirka macdanta waxanu hayaan dariiqii badhasaabkii la odhan jiray AFAR JEEBLE ee xukumi jiray gobolkii loo yaqaanay waqooyi galbeed ee caasiamdda u ahayd haregysa horaantii sanadihii sideetabaadkii. Akhristow hadii aad doonayso inaad ka been sheegto waxyaabahan dhacaya oo dhan waxaa ku haya xildhibaanadda ay ka mid yihiin SALEEBAAN CAWAD CALI (SALEEBAAN BUKHAARI) IYO SICIID MAXAMED CILMI oo ka tirsan golaha wakiiladda ee somaliland , marka aad garoonka soo gasho Saleebaan Bukhaari waxaad ku garan doontaa sharkiisa waxa dhaabrka kaga qoran magaca FADLAN KU SHUBO ,Siciid Maxamed Cilmi-na waxa shaadhkiisa dhaabrka kaag qoran magaca HUNGURI . La soco qaybaha danbe Qalinkii : C/risaaq Suudi Nuur Email:suudi88@gmail.com Hargeysa/Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|