|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirki Golaha Wasiirada Ee Khamiislaha Ahaa Oo Lagaga Hadlay Arimaha Xuduudka IYo Sidoo Kale Hawada Somaliland Oo Ay Sheeganayso Dawlada Xasan Shekh
July 17, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews)WAR-SAXAAFADEED- Date: – 17/07/2014 Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto, Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin. Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland. Hadaba fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada. Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay. Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba. ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo Si Rasmi Ah Ushaaciyay Wakhtiga Ay Dhacayso Doorashada Isku Sidkan ... Safarkii Madaxwayne Siilaanyo Ee Gobolada Bari Iyo Mooganaanta Xukuumada Ee Abaarta Ba'an Ee Dalka ... Hay’adda Creativitity Associates International, oo ah Hay’ad La Shaqaysa Guddiga Doorashooyinka Qara... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|