Shirkado Shidaal Oo Laga Leeyahay Dalalka Norway Iyo Sweden Oo Isku Haysta Meel Isku Mid Ah Oo Ay Somaliland Iyo Puntland Heshiis Kula Galeen Shidaal Baadhis. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkado Shidaal Oo Laga Leeyahay Dalalka Norway Iyo Sweden Oo Isku Haysta Meel Isku Mid Ah Oo Ay Somaliland Iyo Puntland Heshiis Kula Galeen Shidaal Baadhis.
July 1, 2014 - Written by Wariye:

Hageysa(Wajaalenews):-Laba shirkadood oo ah kuwa shidaalka qoda ah ayaa isku maandhaafsan meelaha shidaalka ay ka qodayaan ka dib markii ay meelo isku mida laga iibiyey labada shirkadood in ay ka sameeyaan sahaminta shidaalka oo ku yaala Gobalka Sool iyada oo ay laba shirkadoodna ay heshiisyada la kala galeen Somaliland iyo Puntland.

Joornaalka ugu weyn Sweden ee Aftonbladet ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga waramay in dagaaal ka dhex socdo shirkadaha shidaalka ee Sweden iyo Norway, dagaalkaas oo ku saabsan shidaalka Somaliland, gaar ahaan aagga magaalada Holhol ee u dhow Laascaanood gobolka Sool.

Shirkadda Lundin (Africa Oil) ee Sweden iyo shirkadda kale ee reer Noway ee DNO International ayaa waxa Wargeysku tilmaamay in ay goob kali ah oo shidaal laga sahminayo labaduba heshiisyo kala duwan kula galeen dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, aagaas oo ku astaysan “Nogal-1″ oo la ollog ah Holhol.

Isla gaabtaas waxaa dawladii hore ee Soomaaliya ay heshiis shidaal sahamin ah kula gashay shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Conoco Philips.

holhol3Sida jariidadu qortay waxaa aagga ay shirkaduhu isku haystaan booqasho ku tegey weriye ka socdey jariidadda Aftonbladet asagoo la hadlay dadka deegaanka.

Warbixinta jariidada oo ku qoran Swedish cinwaankeeduna yahay “Norsk-svenskt krig om olja i Somalia” (Norwegian-Swedish war about oil in Somalia” waxaa lagu yidhi sidan: “Labadan shirkadood oo lagu magacaabo Lundinsfärens Africa Oil och norway DNO International ayaa waxay heshiis la galeen laba maamul oo aan sharci ahayn waqooyiga dalka Somaliya, labadan maamul ayaa waxaa ka dhex jira dagaal kaasoo ay hurinayaan shirkadahani. Shirkaduhu waxay lacag ku bixiyaan sidii dhulka shidaalku ku jiro si xooga looga saari lahaa dadka degan.


Dhagax yar oo leh calaamada Nogaal1 ayaa waxaa hoostiisa ka buuxa shidaal fara-badan, dadku kama hadli karaan shidaalka mar wargeyskan wariye ka socdaa ay meesha tagteyna dadku weey ka baqeen inay shidaalka kala hadlaan.

Meesha shidaalku ku jiro ee la isku hayo ayaa waxaa isku heysta Somaliland iyo Puntland oo labadu ah labo maamul oo aan aqoonsi caalamiya heysan, shirkadahan ayaa mar walba waxay lacag farabadan siiyaan cida markaa gacanta ku heysa dhulkaas, taas ayaana keentay in dagaalku ku soo noq noqda gobolka Sanaag iyo Sool.

Nin lagu magacaabo Cali Cabdulaahi ayaa shirkada Lundin waxay u wakiilatay 2005 inuu maamulka Puntland kala hadlo suurto galnimada wada shaqyn goobaha shidaalka ah, sanadkii xigay 2006 ayaa Cali Cabdullaahi warbixin uu u soo gudbiyey shirkada Lundin wuxuu ku sheegay in uu shirkadan kula talinayo inay dawlada Soomaaliya ay kala hadasho arrintaas heshiiska shidaalka.

Shirkada Lundin ma joojine sanadkii 2007 waxay heshiis wada shaqeyn ah la saxiixatay maamulka Puntland iyadoo isticmaaleysa magaca Lundinbolaget Africa Oil, taasi waxay keentay in labada maamul waa Somaliland iyo Puntland ay mid waliba doonto inay gacanta ku dhigto dhulkaas.

Somaliland ayaa dhinaceeda waxay heshiis la saxiixatay shirkada Norway DNO International, 2007 ayay Somaliland gacanta ku dhigtay Laascaanood, kadibna Xudun, sidoo kale Deegaanka Holhol oo ah meesha shidaalka laga helay waxaa shirkada Noway DNO International heshiis kula gashay maamulka Somaliland.

April 2014 ayaa waxaa Holhol qabsaday maamulka Somaliland, maadaama buu yidhi Wargeysku shirkada Norway DNO International ay sidaa dooneysay.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS