Shirkadda AL-NUUR oo Dharkii Ciidda u soo iibisay 429-Ilmood oo Agoomo ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda AL-NUUR oo Dharkii Ciidda u soo iibisay 429-Ilmood oo Agoomo ah
July 21, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Shirkadda Al Nuur Furniture, ayaa maanta ugu deeqday  caruurta agoomaha ku jira xarunta magaaladda Hargeysa dharkii ay ku ciiddi lahaayeen, kaas oo iskugu jira labis dhamaystiran oo iskugu jira Garankii, Nikiskii, kabihii iyo dharkii

 

Shirkadan ayaa sheegtay inay u soo iibiyaan labis dhamaystiran oo dhan 480 kol xirad, kuwaas oo caruurtii ka farxiyey.

Wakiilka shirkadda Al-Nuur ee soo dajisa qalabka guryaha iyo Xafiisyada  Maxamuud Yuusuf Cilmi ayaa sheegay inay sanad walba ugu deeqaan caruurta dharka Ciidda agoomaha ku jira xaruntan.

Guddoomiyaha xarunta Agoomaha Caasha Maxamuud Qaalib, ayaa shirkadan iyo mulkiilaha leh ee Cabdiramxaan Nuur  uga mahad naqday deeqdan dharka ah ee sanad walba ugu deeqaan.

“Shirkadani sanad walba iyada u soo iibisa caruurtan dharkii ay ku ciidi lahaaayeen, caruurtani malaha aabo iyo ehel ee waa caruurta lagu tuuro banaanka, waxaana ehel iyo waalid u noqday shirkadan  A-Nuur, iyada bishii Ramadaan afurka u samayn jiray”ayey tidhi Marwo Caash Maxamuud Qaalib.

Guddoomiyaha ayaa sheegtay inay caruurta ku jirta ay yihiin 429 caruur ah, haseyeeshee shirkaddu ugu soo dartay dhar dheeraad ah, maadaama oo caruurta kala cabir weyn yihiin.

 

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS