Shirkada Dahabshiil Oo Dacwad Muwaadin Reer Somaliland Ahi Kaga Soo Oogay Maxkamad Ku Taal Dalka UGANDA; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Dahabshiil Oo Dacwad Muwaadin Reer Somaliland Ahi Kaga Soo Oogay Maxkamad Ku Taal Dalka UGANDA;
July 19, 2014 - Written by Editor:

UGANDA(Wajaalenews) ;Shirkada xawaaladaha ee Dahabshil ee dalka Uganda ayaa looga yeedhay Maxakamada Mango Court, oo ka mid ah Maxkamadaha ugu waawayn ee dalka Uganda.

Dacwadan oo aanu ka soo xaqiijinay Notice board ka Maxkamadaas oo aanu booqanay maanta ayaa waxa noo suuragashay isla saacado ka dib inaanu la kulano gacanacsade Abdirashiid Haibe Abdi oo ah muwaadinka ku soo oogay dacwadaas Shirkada Dahabshiil ee dalka Uganda,  waxana aanu la yeelanay waraysi kooban oo ku saabsan waxa ay daarantahay dacwadan maxkamadu.

Muwaadin cabdirashiid ayaa ku an dacooday in ay ka lunsadeen lacag u taalay xawalada dahabshiil xarunteeda uganda, wuxuna u dhacay waraysi kooban oo aan layelanayn sidan,

cabdirashiid haybe ninka dacwada kusoo oogay shirkada dahabshil

 

 

mudaawinka shirkada dahabshiil dacwada kusoo oogay, cabdirashiid haybe

 

 

 

Wariye: Abdirashiid ku soo dhowaw waraysigayagan kooban ee aanu doonayno inaad noogu faahfaahiso waxa ay daarantahay dacwadan aad ku soo oogtay shirkada dahabshil ee dalkan Uganda?

Abdirashiid: Mahadsanid  walal dacwadan aad ku soo aragteen Notice board ka maxkamada oo loogu talagalay in dadku halkaas ka arkaan iyo   waraqahan aad aragtaa dhamaantood waa cadaymaha dacwadan aan ku soo oogay Shirkadan Dahabshiil, walal in mudo ah ayaan is lahaa ku dhamee arrintan maxkamad la aan balse waxa ay ula eekatay maamulka sare ee guud iyo kan wadanba in aan ka dhaqaaqi karo hanti lacageed oo  igaga maqan shirkadan, ka dib markii xisaab aan ku lahaa shirkadan oo iga furnayd muddo la jabsaday loona sahlay nin madow ah oo Ugands ah inuu kala baxo lacag cadadkeedu badanyahay, lacagtan oo sida muuqata laga soo wada shaqeeyay ha ahtaato dalkii Somaliland ama ha ahaato dalkan Uganda waxay ahayd shirqool.

Wariye:Dacwadan ma ku dhammaysan kari waydeen dibada sidii dhaqankeenu ahaan jiray, marna se ma is hor fadhiisateen?

Abdirashiid: Haa waanu is hor fadhiisanay anagoo laba dhan ah waananu ka gar helnay dabadeedna waxay yidhaahden wadankii ayaanu la hadlaynaa muddo markaanu sugaynayna waxay yidhaahden wadankii waa nala diiday, dabadeedna go’aan ayaanu qaadanay ah in aanu maxkamada galno.

ISagoo ku andacooday in ay arintoodu u hagaagi wayday kadib markii uu taageeray garabkii xusbiga kulmiye ee dawlada ka soo horjeeday, ayuu yidhi

 

galiyay buuqa iyo burburka, sidaa darteed waxa aan ka mid ahaa dadkii taageeray bayaankii odayaashu ay yidhaahden lacagtiina kala baxa, halkan aan joogana waan abaabulay ganacsatadii oo wax la baxay iyo wax yidhi waanu la bixi doona ayaa ay noqdeen markaa nin la yidhaa Abdi Faarax oo Dahabshiil xisaabiye guud u ah ayaa yidhi lacagta madama uu qaadanayo xanuujiya, markaa arrintan waxa ka dambeeya ninkaa Abdi Faarax oo dadku moodayaan aamin Balse Daalin ah.

Wariye: Maxaad ku cadaynaysa in Abdi Faarax ka dambeeyo?

Abdirashiid: Waxan ku cadaynayaa waxa jiray mar telka igala soo hadlay oo uu isoo ii hanjabay ee uu yidhi hadaad Hargeisa timadana waan ku xidhi halkaa aad joogtana tallaabo ayaan kaaga qaadayaa haddii aad joojin waydo waxa aad wado, sidoo kale qolada Uganda joogtana markay la xidhiidheen waa uu ka gaabsaday, markaa aargoosi siyaasadaysan oo qardajeex ah uunbaan u arkaa sidoo kale waxan leeyahay Abdi faarax LACAGI TAAD HAYSO UUN MAAHA, XUKUNA KA ADEERKAA HAYO UUN  MAAHA .ee waa inoo maxkamada Uganda oo aan ka qabo kalsooni aad u badan.

Wariye:Dacwadu maxay noqonaysa?

Abdirashiid: Dacwadu waxay noqonaysa aniga iyo ninka Dahabshil Uganda u sarreeya dad badan oo dhowr boqol gaadhayana waa ay na dhagaysan doonaan, sidoo kale waxa xusid mudan in aan la tiigsan doono xeerarka banking ka oo shirkadani qarsoodi ugu shaqayso banking madama oo aanay license ka haysan dalkan oo ay ku shaqayso oo kaliya FOREX.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee muwaadin reer soaliland ahi dalka dibadiisa kaga soo oogo xawaalada dahabshil oo mudooyinka ay ku imanayeen dhaliilo kala duwan oo uga imanayay bulshada qaybaheeda,

 

WARIYE CABDIRIXIIM AXMED CUMAR

UGANDA

WAJAALENEWS DESK

EMAIL; WAJAALENEWS1@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS