Shil ka dhacay tareenka dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaan Metro ayaa sababey dhimashada dad ka badan 19 qof halka ay ku dhaawacmeen 160 kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil ka dhacay tareenka dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaan Metro ayaa sababey dhimashada dad ka badan 19 qof halka ay ku dhaawacmeen 160 kale
July 16, 2014 - Written by Editor:

Moscow(Wajaalenews)Shil ka dhacay tareenka dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaan Metro ayaa sababey dhimashada dad ka badan 19 qof halka ay ku dhaawacmeen 160 kale.

Shilkan ayaa la sheegayaa in uu sababey Shoor ka dhashey Korontada kadib markii waduhu dooney in uu qabto joojiyaha xaaladda deg-deg ah darteed.

Waqtigu shilku dhacay ayaa ahayd xilli dadku aad ugu badnaa halkaas, waxaana uu ka dhacay Galbeedka caasimadda Ruushanka ee Moscow meel aan wax badan ka fogeyn Xarunta Tareenka Slavjanski Bulvar.

Wadihii Metro-ga oo markii hore la sheegey in uu ka mid yahay dadka dhintey ayaa wararku hadda sheegayaan in uu nool yahay oo dhaawciisa la gaarsiiyey isbitaalka.

Dadka ku dhaawacmey ayaa 50 mid ah ay qabaan dhaawacyo aad u culus taas oo dhimashada kor u sii qaadi karta.

wajaalenews.net

hargeisa/office

COMMENTS
LINKS