|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Qiray Wadahadalada Ay Masar La Fureen Inay Adkaan Doonaan.
July 10, 2014 - Written by Wariye:
Waxaa uu sheegay in wadahadaladu yihiin waji cusub oo Ethiopia sii wadi doonto, laakiin waxa u qiray an ay adkaan doonaan. Desalegn ayaa sheegay in dalkiisu wadi doono dhismaha biy-xidheenka balse ay maanka ku hayn doonaan danaha kale ee wadamada wabiga Nile uu maro. Xidhiidhka labada wadan ayaa mugdi galay tan iyo intii xukuumada Addis bilowday dhismaha biyo-xidheenka sanadkii 2011-ka. Masar ayaa rumaysan in dhismaha mashruucani uu carqaladayn karo saamiga taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin biyaha wabiga, halka Ethiopia aaminsan tahay in dhismuhu uuna wax saamen ah ku lahayn danaha Masar. Hogaamiyaha cusub ee Masar, Al Sisi, ayaa ballan qaaday in xurgufta labada dal lagu afjari doono wada xaajood. Hargaysa Office Related posts:Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Talaa... Madaxwayne Kuxigeenkii Hore Ee Jsl OoKka Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Baaq Culus Oo Uu Udiray B... Reer Gabiley Xukuumada Abaalbay Ku Leeyihiin, Lakiin Xildhibaanada Iyo Cidkasta Oo Ucodaynaysa, Abaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|