Rajadii Siyaasada Arimaha dibada Somaliland oo soo gaabtay iyo Beesha Caalamka oo ka warwarsan Xubnaha Xagjirka ah ee Talada Xukunku gacanta u gashay. F | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rajadii Siyaasada Arimaha dibada Somaliland oo soo gaabtay iyo Beesha Caalamka oo ka warwarsan Xubnaha Xagjirka ah ee Talada Xukunku gacanta u gashay. F
July 11, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;Tan iyo intii Somaliland Xornimadeeda la soo noqotay ayaa waxa gaashaan adag u ahaa dawlada Ethopia dhanka diblomaasiyada iyo Xidhiidhada kala duwan ee Caalamka, Xidhiidhkaasi wuxuu sii adkaaday Mudadii uu Xukunka hayay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Ruugcadaa Siyaasad Geeska Afrika Samayn weyn Ku lahaa Saaxiibo dhawna la lahaa Hogaamiyayaal fara badan gaar ahaan dalka Ethopia oo wadan Guun ah , gacan weyna ku lahaa in Somaliland iska korqaado Kalidii Taliyihii Siyaad Barre.

4

Hadaba Heshiiskaa Guunka ahaa ee U dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia oo ay ugu Muhiimsanaayeen Qodobadani:-

 

1 ;Xidhiid Xaga Ganacsiga ah

2, Xog wadaag (Information sharing)

3 ;Gacan qabasho dhanka Ciidamada ee kala duwan.

Qodobadan iyo qaar kale oo muhiim ah waxay saldhig u ahaayeen in Ethopia ay Gaashaan Bir ah uga ahayd Beesha Caalamka si aanay u majara habaabin rabtiaanka shacabka Somaliland iyo Jiritaanka Dawlad nimo ee ay Higsanayaan, Cadawga Somaliland waxay ku ahayd Waji gabax.

Hadaba maxaa wiiqay Xidhiidkii Gundhigiisa iyo wax tarkiisuba uu ahaa mid gabi ahaanba Somaliland Waxatar u ah?

Mudo afarsano ku dhaw oo uu talada dalka gacanta ku hayay madaxwayne siilaanyo ayaa isbadal wayn ku yimid arimaha aan kor kusoo xusnay gabi ahaanba iyadoo sobobtay dabac ka yimid dhinaca xukuumada siilaanyo .kana gaabisay adkayntiisa iyadoon lagaranayn waxa ay ku badalatay.

Intii uu siilaanyo xukunka hayay ayaa dawlada Ethopia dalbatay in ay kulmaan si looga wada hadlo arimaha madmadowga keenay iyadoo loo aanaynayo xubno kamida xukuumada siilaanyo oo ay beesha caalamku walaac kamuujisay . wadahadalo dhexmara somaliland iyo Ethopia ayaan marna u dhicin sitoosa iyadoo markasta uu siilaanyo u diro xubnihii ay fartu ku godnayd taasi o caqabad ku noqotay in sidhaba loogaadho u jeedada rasmiga ah

Arimahaa iyo qaarkale oo badan somaliland waxay gayaysiiyeen go,doon diblamaasiyadeed oo sobobay in beesha calamku tidhaa ka baxa gobol ka tirsan somaliland taasi waji gabax ku noqotay shacbiga u heelan helida xidhiidh caalamiya oo somaliland mar uun dunida layeelato

Dhanka kale shirkii u danbeeyay ee somaliland lalahayd etoobiya ayaa ahaa mid aanay danaynin xukuumada siilaanyo iyadoo u dirtay agaasimayaal iyo wax aan dhaabin

Beesha caalamka ayaa dhowr jeer muwaadiniinteda ugu baaqday in ay somaliland ka baxaan xaalad abnidaro awgeed

Waxayna hoosta ka xariiqeen in xukuumada siilaanyo ay ku jiraan xubno looga shikisan yahay in ay xidhiidh dhow laleeyihiin kooxaha dunida khatarta ku ah

waxa kale oo ay tilmaameen awooda talada dalku gacanta u gashay saamayna ay kuleeyihiin talada dalka.

 

Tuhunada beesha caalamku ka qabtay xubno ku jira golaha wasiirada ayaa sii xogaysatay markii wasiirkuxigeenkii hore e abniga cabdilaahi abokor si cad u sheegay in wasiirada qaar ay u yaqaanaan magacyo u gaara ayna lashaqeeyaan urur diimeedyo ka hawlgala muqdisho.

Dhawaaqa cabdilaahi abokor waxay dareen wayn galisay beesha calamka oo marka horeba qabtay tuhunwayn,halka uu isna kaga mutaystay in masuulki dawlada shalay isagoo xili walba laheli karo ka liftay in saqbadh loodaato sidii argagixisada,

Muuqaalada waxay marag cad u noqonaysaa in awoodii dawladnimo u gacan gashay kuwii laga ilaalin lahaa ee loo samaystay ciidamada rru,lakiin ciidankii iyo awoodiba waxay u gacan gashay kuwii khatarta ku ahaa dalka iyo dunidaba.

 

Isku soo wada duuboo somaliland ayaa hadii aanay qaadin talaabooyin ka duwan kuwan hada ay ku jirto waxay godoon kanoqon doontaa beesha caalamka taasi oo u horseedi doonta dib u dhac xalaadle oo bulshada u horseeda in baaqiqa dayartu usii jahaystaan sidii ay badaha iskugu tuuri lahaayen horena ay ugu idlaadeen qaarbadan oo kamida ubixii dalku

 

WAJAALENEWS KALA SOCO WARAR CUSUB

FADLAN KA DHIIBO FIKIRKAAGA

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS