Qurba joogta Reer Allaybaday oo booqday Dhismaha Wadada Allaybaday Halka Ay Marayso DAAWO SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qurba joogta Reer Allaybaday oo booqday Dhismaha Wadada Allaybaday Halka Ay Marayso DAAWO SAWIRO
July 23, 2014 - Written by Editor:

“Bil iyo badh baanu Lix kiiloomitir ku dhamaystirnee si ay Diisambar u gasho Allay baday qaadhaanka kii bixiyawna ku soo celi, kaan bixinawna soo bixi” Cali Case

Allaybaday (Wajaalenews) koox ka socota Qurbajoogta Reer Allay baday ayaa shalay booqday jidka isku xidhaya Hargeysa iyo Allay baday, kaasoo Lixcdii Kiiloomitir ee u horeeyey dhawaan daamurka la saari doono.

allay-baady-1aalay-baday-7

Allay baday 6Qurbajooga Reer Allay baday ayaa waxa kaxeeyey Guddida dhismaha Jidka Allay baday, kuwaas oo ugu talogalay inay soo tusaan dhaqaalihii ay ku deeqeen iyo ku cusub oo laga doonayo jidka ay ku samaynayaan, iyagoo dhamaantood ku qancay markii ay Indhahooda ku arkeen hawsha Jidkaasi halka ay marayso.

Alaybaday 2 Guddoomiyaha Degmadda Allay baday Keyse Muxumed Ibraahim oo Qurbajooga ku soo dhaweeyey Jidka Allay baday waxaanu yidhi “ maanta Xaflad ma aha hawshan aad noogu timaadeen, waa wajigii Saddexaad oo ah Lix Km oo aanu carro tuulkoodii dhamayn, una diyaarinay Daamur inaanu saarno si aad noola aragtaan maadaama aad saxaafadda kala socon jirteen” ayuu yidhi aalay aday 5Cabdi Muxumed Aadan (Bigays) oo ka mid ah qurbajooga Reer Allay baday ee Norway ayaa ka hadlay hawsha Jidka ee uu goob jooga u noqday sida ay u socoto waxaanu yidhi “ markaanu Qurbaha joognay riyey nala ahayd oo way nagu adkayd in wado 30 km ah la samayn karo, laakiin sidaan u arkayno in durtaba Lix Km la sameeyey way nala rumawday. Reer Norway ahaan lacag baanu ururinay oo aanu dhawaan soo diraynaa, horena Horumarka Degmadda waanu uga qayb qaadanay, waxaan ugu baaqayaa Qurbajoogta iyo dhamaan Dadweynaha Reer Somaliland ba inaya gacan ka geystaan jidka Allay baday” ayuu yidhi

allay-baday-4aalay-aday-5

allay baday 4Ismaaciil Cige Waaberi (Ismaaciil Baatamaal) oo ka socday Jaaliyadda Reer Allay baday ee dalka Faransiiska ayaa isna ka hadlay Jidka Allay baday waxaanu yidhi “ Dawladdi kalideed waxba ma qabato, shicibkaa wax qabsada waxaan leeyahay sidaa aad isugu tashateen hawsha u wada. Allay baday Qaranka kaalin muhiim ah ayey ugu jirtaa waa Degmo wax soo saar, waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda iyo shiciba inay bar bar istaagaan dhismaah wadadan” ayuu yidhi

aalay baday 7Cabdi Daa’uud oo ka socday Jaaliyadda Reer baday ee Ingiriiska ayaa isna ka hadlay waxaanu yidhi “ Allay baday iyo Gabilay waa halkii halgankii dalka lagu xorreeyey laga bilaabay, Rag badan baa kaga shahiiday, marka ay qaadhaan noqoto Reer Allay baday danaha qaranka xaga hore ayay kaga jiraan mar walba. Maanta Reer Somaliland waxaanu uga fadhinaa inay na taageeraan oo nala dhamaystiraan wadadan oo halbawle ah” ayuu yidhi

Yurub Cali Nuur oo ah haweenka Qurbajooga Reer Allay baday ee Dalka Norway ayaa iyana sheegtay inay kaalintooda ka soo qaadan doonaan dhismaha Jidka iyadoo balanqaaday marka ay noqoto in ay Olole balaadhan u samayn doonto.

1 Guddoomisada garabka Haweenka ee Guddida Dhismaha Allay baday oo hadalo guubaabo ah u jeedisay Haweenka Reer Allay baday meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa Qurbaha ayaa tidhi “ Haweenka Qurbaha waxaan leeyahay Ragga ha ku daba gabanina’e haweenka Tamaandhada Iibiyaanu kaga tagi wayanay qaadhaanka’e gaar u keena Idinkaa Biilal qaata oo naga Jeeb roone. Gobolka Gabilay oo aanu ka tirsanahayw axba kama hayno waxaan leeyahay hana hagranina’e wadadii way idin sugaysaa. Wadadan Allay baray baa la yidhaa ka daalai mayno illaa aanu dhamaystirayno” ayey tidhi

 

Gaadiidlayda dhisaysa Jidka Allay baday oo ah kuwa kiroole ah ayaa kaga dhawaaqay kulanka Qurbajoogu loogu sameeyey wadada Allay baday inay ku deeqayaan Lixdan Lawdh oo u dhigma saddex kun oo Doolar, waxaana madasha ka hadlay af-hayeen u hadlayey.

Muuse Yuusuf Caduur (Galay) oo ka mid ah Guddida jidka Allay baday ayaa isna sheegay in ay bilaabeen iyaga oo aan waxba haynin maantana meel fiican ay u marayso waxaanu yidhi “ maalintaanu bilaabaynay waxba maanaan haynin waa sadaqo jaariya maantana Lixdii Kiiloomitir ee u horeeyey ayaanu Laamidii saaraynaa. Gobolka Gabilay waxaan leeyahay Lixdaka Kiiloomitir ee wajaale Lix bilood baan u dib-jiray wadada allay badayna waa mid gobolku leeyahay waar Reer Gabilayoow wadadii Allay baday way idin tabaysaaye kaalintiina ka soo qaata” ayuu yidhi

Khadra Xaaji Gaydh, Xildhibaan Xasan Shahar iyo Muxumed Aw Cabdi ayaa iyana si adag uga hadlay baahida wadada Allay baday iyo taageerada ay u baahan tahay, waxaanay Farriimo u kala direen Dawladda, Gobolka Gabilay, Qurbajooga iyo Dadka Reer Somaliland, kuwaas oo ay aka dalbadeen inay dhaqaalahooda ugu deeqaan Wadada Allay baday oo marin u noqon doonta Somaliland iyo wax soo saarka Degmaddaba, taasoo ay ku tiirsan yihiin magaalooyinka Dalka oo dhami.

Maxamed Muxumed Xaaji (Liilan) oo ah Qurbajooga Reer Allay baday isla markaan Safiir Somalilad uga ahaa Dalka Norwey ayaa ka hadlay faa’’iidada ay wadadani yeelan doonto waxaanu yidhi “ Aabahay waxa uu ahaa raggii ugu horeeyey ee degay Allay baday, aniga taariikh weyn bay iigu fadhidaa inaan maanta halkan joogaanaa wax weyn bay ii tahayoo waxaan dareemayaa faa’’iidooyinka ay wadadani bulshada iyo Dalkaba u yeelan doonto. Anigoo tuulo yar jooga ayaan Telefishanka ka daawaday shan boqol oo Nee foo Reer Allay baday ciidanka Qaranka ku caawinayaan, waxaan leeyahay Reer Allay baday maanta Dan Qaran bay ugu baahan yihiin taageeradiina e ha ka hagranina. Dad badan waxay isweydiiyaan sababta mashaariicda Allay baday u hirgalaan waxaan idhaa waxaad baxsataan waxay noqon doonaan kuwo halka loogu talogalay ku baxa isad wadadan oo kale” ayuu yidhi

Caaqil Xasan Warsame Libaax iyo Caaqil Sanyare ayaa ka hadlay madashaasi waxaanu Caaqil Xasan Warsame ku deeqay laba kun iyo sideed boqol oo Doolar, waxaanu amaan balaadhan ujeediyey Haweenka Reer Allay baday oo uu ku tilmaamay inay kaalintii raga galeen.

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Gabilay Cali Case oo soo xidhay hadaladii laga jeediyey kulankaasi ayaa Gobolka Gabilay iyo Gobolka Maroodi-jeexba ugu baaqay inay soo taageeraan jidka Allay baday, isagoo sheegay Reer Gabilay Ciida kadib inay ku balansan yihiin bixinta dhaqaalihii ay ku balanqaadeen Cuqaashoodu, waxaanu yidhi isagoo dhismaha Jidka ka waramaya “ Lixdaas Kiiloomitir bil iyo badh bay ku dhamaadeen inta hadhayna waxaanu rajaynaynaa inay illaa Diisambar qaadato oo ay Allay baday gasho, laakiin iska gali maysee dhaqaalay u baahan tahay ee soo bixiya oo kuwii hore u bixiyoowna ku soo celiya, kuwaas bixinawna iska soo bixiya imika” ayuu yidhi

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS