|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobey oo markale canbaareeyey Weerarka Israel ee Schoolka Gaza
July 31, 2014 - Written by Editor:Gaza(Wajaalenews)In ka badan boqol qof ayaa ku dhimatey weeraradii maalintii Arbacada Yuhuuddu ay ku qaadeen GAZA. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa canbaareeyey gantaalaka Israel ay ku dhufatey mid kamid ah Iskolada ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobey kaas oo ay gabaad ka dhigteen dad rayid ah oo ka baxsadey duqeynta Israel ee marinka GAZA.Iskoolka ay duqeysey Israel ayaa gabbaad u ahaa in ka badan 3000 oo qof oo ay ku khasbeen in ay ka baxsadaan guryahoodi kadib markii cirka, dhulka iyo baddabada laga soo duqeeyey dhulkana lala simey.Waxaa la weeraray Iskool ay maamusho Qaramada Midobey kaas oo kumaankun qof oo rayid ah gabbaad ka dhigteen, waan canbaareyneynaa falkan, waxaan dalbanaynaa in arrintan caddaaladda la horgeeyo ayuu yiri Ban.Maalintii Talaadada ayaa Israel ku dishey 20 qof Iskool ay maamusho hay’adda UNRWA, waana dhacdadii labaad muddo todobaad gudihiis ah oo Israel ay beegsato Iskoolada gabbaadka laga dhigtey.Sidoo kale Maraykanka ayaa canbaareeyey dilka loo geysanayo dadka rayidka ah, caruurta, haweenka iyo shaqaalaha Qaramada Midoobey, laakiin Maraykanku ma xusin cidda uu canbareynaayo magacooda ee Israel.Dagaalka Israel ku qaadey dhulka yar ee GAZA ee dadku aadka ugu badan yahay ayaa bilowdey 8 July, waxaan tan iyo maalintaas ay qudha ka jareen in ka badan 1300 oo qof kuwaas oo u badan dad rayid ah sida caruur, haween iyo dad waayeel ah.Afhayeen u hadashey ciidamada Israel ayaa sheegtey in ay u yeerayaan ciidamo dheeraad ah oo ahaa kuwa keydka ah Gabadhan ayaa sheegtey in 16 000 oo ciidamo keyd ahaa ay ka qaybqaadan doonaan dagaalka GAZA lagu hayo, waxaana muuqata in Israel ay go’aansatey in ay gumaadaan dhamaan dadka reer GAZA iyada oo dalalka reer galbeedku ugu yeerayaan xiisada ka dhextaagan Xamaas iyo Israel wajaalenews.net hargeisa/office c/raxman Related posts:DAAWO: Barnaamijka HIIRAAL Ee Arrimaha Bulshada Oo Lagu Soo Qaatay Dugsiga 26-Ka June Ee Magaaladda... Saraakishii Uhoraysay Ee Ciidanka Booliska Ee Kasoo Baxay Kuliyada Cabdilaahi Askar Oo Lagu Xareeya... War Deg Deg ah ; Dab ka Kacay Guri Ku Yaala Galbeedka Magaalada Hargaysa Oo Sobobay Dhimashada Wiil... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|