|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay, ayaa markii ugu horeysay laba qaybood oo kala madax-banaan u kala qaaday siyaasadda deeqaha la siiyo dawladda Somaliland iyo Soomaaliya
July 22, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews)Sida uu caddeeyay Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasi oo ka hadlayey kulan toddobaadkan ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, kaasi oo lagu soo bandhigayey qorshahan cusub “Dhammaan maamullada ka jira Soomaaliya waxay hoos iman doonaan oo aanu kala xidhiidhaynaa dawladda Federaalka oo ka baxday ku meel gaadhnimadii” ayuu yidhi, masuulkaasi, waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay in qaramada Midoobay taasi bedalkeeda qorshaysay inay Somaliland si gaar ah ula Macaamisho “Somaliland-na si gaar ah ayaanu ula macaamili doono…”ayuu hadalkiisa raaciyey Masuulkaasi.Siyaasaddan cusub ee ay Qaramada Midoobay ku kala qaaday Soomaaliya iyo Somaliland ayaa guul weyn u ah qarannimada iyo jiritaanka dal ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maadaama oo Qaramada Midoobay is raacisay waxa la isku yidhaahdo koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya oo uu ku jiro Maamul gobolleedka Puntland oo Somaliland isku dharariya.Geesta kale, Siyaasaddan cusub waxay beesha Caalamka tusaysaa in aanay waxba ka jirin sheegashooyinkii dawladda Soomaaliya ee fagaarayasha caalamka kaga doodda in wax laga waydiiyo ama la soo mariyo deeqaha qaramada Midoobay iyo beesha caalamku Somaliland ku taageerto.Xigasho: Wargayska SomalilandtodayRelated posts:Dawlada Kenya Oo Shaacisay Magaca Shakhsiyaad Al shabaab Uqaabilsan Weerarada Laga Fuliyo Xadka Dalk... War-Deg-Dega Daawo: LaTaliyaha Ariamaha Doorashooyinka Ee Madaxwayne Silaanyo C/laahi Jawaan Oo Xilk... DAAWO: Wasiirka Warfaafinta Oo Hadhimo Sharafeed Kulmisay Haldoorka Somaliland Ku qaabilay Prof. Axm... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|