|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Aragtida Xisbiga Ucid Ee La Xidhiidha Muwaadiniinta La Sheegay In Loo Gudbiyey Wadanka Djabouti.
July 20, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay aragtida uu xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ka qabo muwaadiniinta u dhashay dalka la sheegay inay xukuumadu u gacan gelisay dawlada Djabouti. Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga oo ka jawaabayey su,aal masuuliyiinta xisbiga Ucid laga waydiiyey arintan ayaa sheegay inuu xisbiga Ucid ka taagan yahay sida uu dastuurku uga hadlay. Ugu horayn musharaxa mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya aragtida xisbiga Ucid ee la xidhiidha arintan ayaa waxa uu yidhi “Dastuurka qaranka Somaliland qodobkiisa 35aad waxa uu sheegayaa in muwaadiniinta dalka u dhalatay inaan meel kale la gayn doonin, anaguna dastuurka ayaanu ilaalinaynaa, haddii ay jiraan xidhiidho ama heshiisyo gaar ah oo Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Laakiin xidhiidhada jira inagaba dad ayaa laynoo soo gudbiyaa danbiyo inaga galay oo ay inoo soo celiyaan wadamada jaarka, haddii ay jiraan xidhiidhadaas gaarka ahina waa ka gaar laakiin sida uu dastuurku sheegayo qofka muwaadinka ah ee dalka u dhashay waa in dalka lagu xukumaa, taas ayuunbuu xisbigayagu aaminsan yahay.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|