Muqaalada ku Cusub Garoomadda Ciyaaraha Kubadda Cagta Adduunka ee Dalka Brazil 2014 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muqaalada ku Cusub Garoomadda Ciyaaraha Kubadda Cagta Adduunka ee Dalka Brazil 2014
July 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Tartanka ciyaaraha koobka adduunka ee ka socda dalka Brazil 2014, ayaa waxa jira muuqaallo cusub oo ku soo biiray muuqaaladdii hore loogu yaqiin goobaha ciyaaraha kubadda cagta adduunka, gaar ahaan garoomadda, ciyaartoyda iyo kabaha kubadda lagu ciyaaraba.

Tatoo

Haddaba, haddii aad u fiirsato garoomadda kubadda cagta ee dalka Brazil, ayaa marka aad daawato, waxaad arkaysaa muuqaallo cusub oo aan hore loogu arki jirin tartanadii ciyaaraha koobka adduunka ee hore, waxaanay indhahaagu qabanayaan sharaxaada iyo shaxda ay ciyaaroydku ku xardheen gacmahooda, taasoo loo yaqaan (tattoo) ama is-tummid, waxa kale oo jira muuqaalka timaha ciyaartoyda oo liid ama dhoor ilaa qadaadka taxan u goosta timahooda.

Sidoo kale, waxa jira muuqaallo kale oo ay ka mid yihiin sida ciyaaroyda oo ku ciyaara kabo kala jaad ah ama kala duwan.

Waxa kale oo tartanka ciyaaraha koobka adduunka ee ka socda dalka Brazil uu kaga duwan yahay koobabkii hore, ayaa waxa ka mid ah iyada oo si rasmi ah loo dhaqan geliyey qalabka lagu rikibo goolka ee sheega kubaddu inay dhalatay iyo in aanay dhallan, taasoo loo y aqaano (goal line technology), sidoo kale waxa aad garsoorayaasha maamula ciyaarta aad ku arkaysaa iyaga oo dhinaca dambe ee surwaalka ku sita caagad yar oo ay ku jirto xumbo, taasoo ay ku callaamadeeyaan goobta ay istaagaan ciyaartoyda marka uu jiro gool-ku-laag.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS