Mujahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Sii Daynta Ma,uuliyinta Wargayska Haatuf | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Sii Daynta Ma,uuliyinta Wargayska Haatuf
July 14, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Gudoomiye xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Muj.Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo had iyo jeer naqdiya ama tilmaama galdaloolooyinka , Dhaliilaha iyo fadeexadaha dul-hoganaya xukumada Siilanyo ayaa Boggiisa Face-book-ga soo dhigay Qormo kooban oo uu kaga iftiiminayo sababta madaxweyne siilanyo jeelka uga sii daayey Mulkiilaha Iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf Wuxuuna Cali Guray qoraalkiisa ku bilaabay sidatan:“Wow! waxa la yidhi wiilkii wuxu yidhi hadaan hooyaa oon ciil baxay Mujaahid Yussuf iyo Tafatirihii HAATUF wuu ka sii daayay cagta hoosteedii.WAXA LA YIDHI DAMEERTU GEELA HA DIDISO EH WELIBA WAY QURURUF LEEDAHAY. Silanyoo safar u baxayay ayaa ka baqday sua’aalaha safaaraddaha uu sii maryo iyo saxaafadda caalamiga ah iyo inta xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqdaa ay u hayaan. Doqon haduu og yahay inta HUBAAL iyo HAATUF arinkoodu yeelay maamulkiisa ciilba lama qabeen.HORAASE LOO YIDHI DOQONEEY DABKAA BE’!

wajaalenews.net
hargeisa/office
C/raxmaan
COMMENTS
LINKS