|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Sare ee Kenya oo ogolaatay in Qoxootigu ku laabtaan Xeryaha
July 3, 2014 - Written by Editor:WAJAALENEWS— Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa diidday dacwad looga doodayay inuu sharciga waafaqsanaa go’aankii wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku uu ku amray in qaxootiga jooga Kenya ay dib ugu laabtaan xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma. Dacwaddan ayaa waxaa maxkamadda geeyay sagaal ganacsade oo oo ka mid ah kuwa xaafadda Islii, waxayna ganacsatadan matalayeen 500 oo ganacsato ah oo ka su’aal ka keenay inuu amarka Lenku dastuurka waafaqsan yahay. Garsooraha maxkamadda sare ee Kenya, David Majanja ayaa go’aamiyay inay ku fashilmeen ganacsatadan inay muujiyaan in amarku uu xuquuqdooda xadgudb ku yahay oo dhibaato u keenayo ganacsiyadooda. “Amarku wuxuu ku aaddanaa qaxootiga deggen xeryaha oo ay waajib ku tahay in ay u hoggaansamaan sharciyada lagu maamulo xeryahaas. Hadalkana kuma jiro wax cadaadis ah, wuxuu haystaa awood uu meelaha qaar uga dhigi karay xeryo qaxooti,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda sare ee Kenya. Xukunka maxkamadda ayaa u oggolaanaya wakiilka hay’adda arrimaha Qaxootiga Kenya, Harun Komen iyo xeer ilaaliyaha guud, Githu Muigai inay fuliyaan amarka oo ay ganacsatada ka saaraan halka ay hadda deggen yihiin. Hay’adaha xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay ku xad-gudbayso xuquuqda qaxootiga dalkeeda ku nool haddii ay ku qasabto inay xeryaha u guuraan ama ay dalkooda ka baxaan. Kenya ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan ka socday howlgallo ay sameynayeen ciidamada ammaanka dalkaas, kuwaasoo si gaar ah uga sameynayay xaafadda Islii oo ay Soomaalidu deggen tahay.
Related posts:DAAWO: Heshiiskii Qarsoodiga Ahaa Ee Xukuumada Siilaayo Gashay oo khilaaf culus ka Dhex Abuuray Iyo... Jawhar Maxamed Iyo Baqale Gerba Oo Dawlada Itoobiya Ugu Baaqay In Xal Nabadeed Laga Gaadho Colaada U... Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Hortagay Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Iyo Arimaha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|