‘Maxay Galabsadeen ee Laga Goynayaa’ Qallinkii Yuusuf Maxamed Ismaaciil “Yuusuf Yare” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
‘Maxay Galabsadeen ee Laga Goynayaa’ Qallinkii Yuusuf Maxamed Ismaaciil “Yuusuf Yare”
July 14, 2014 - Written by Editor:

Waa Urugiyo Xannuun marka ay Ishaadu ku dhacdo Gurbood la laynayo, Gaban la Ciilay oo oohinta Xejisan la’a,Gashaanti uu Weerku u Xidhan yahay,Hooyo Goblantay oo Gabal baas u dumay oo Asayda hagoogan, Aabe da’a ah oo La Go’doonshay meel uu u Ciirsadana Garan la’a.

“Aax,Ax Ax” Dhawaqu ii daranaa oo u Xumaa Dhegahayga Halkuu Qallinku u arooray Waa Geyiga iyo Arlada Reer Falastiin, Waa Qaza iyo Dhulkii amranaa.

Yuusuf-MaxamedImisaa dhintoo Go’ay intee dhaawac oo taal, Dhaymihiina loo hayn,Waa Mararka la is weydiiyo Meeye Kuwii Islaamka loo samaystay ee Ilaalinta Xuquuqdeena ku Maxaafsada,Aaway Maxkamada Sheegata inay ka garnaqdo dhagaraha adduunku.

Wuxuu ku Cel Celiyay {Waa Xasuuq,Waa Xasuuq Waxa aan arkayo} hadalku wuu Socday ilaa ay dhawaqiisa ka kor martay Ilmada dhabanadiisa ka qul qulaysa Isla markaana uu awoodi waayay inuu Hadalku ka soo baxo,Sawir qaadihiisii ayuu gacanta ugu inshaaray inuu duubista ka joojiyo si uu oohintiisa u dhamaysto.

Kaamaradii qadar kooban ayay dul istaagtay bidhaan aan ka fogay Waa Maydad laga soo qufayo Guryo ku dumay ,Waaxyo Jidh oo goo’goy ayaa la arkayaa .

Waa Halkuu Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi Maansadiisii Gol Jano ku lahaa .

 

Halkan Gaban yarbaa Qalan.

 

Halkan Geesibaa Yaal.

 

Halkan Gaaribaa Wadhan.

 

Halkan Waxaa Ku Gawracan.

 

Guurtidii Xulka ahayd.

 

Dhankan Culimo Gaariyo.

 

Gadhcas iyo Wadaadiyo.

 

Golqof iyo Raqbaa Quban.

 

Gaadiidku waa Naxash.

 

Gadh-hayuhuna waa Mawd.

 

Waxaa Geedi lagu dagay .

 

Godadkiyo Xabaalaha .

 

Dhulka hoose loo Guur.

 

Ilbidhiqsiyo gudahood ayaa la arkayaa Weriyihii barnaamijka rabay inuu daadihiyo oo uu holaday inuu la hadlo Oday Waayeel ah oo dhiniciisa bidix ka taagan Cod Xabeebi ku ladhan tahay ayuu ku weydiiyay halkani maxay ahayd Waxa uu Odaygii Sheegay in Bogcada ay taagan yihiin aqalkii ka dhisnaa iyo dadkii ku jirayba ay ku Shuf beeleen Sayruukh uu Saancadaale Yuhuudi ahi ku soo riday oo Weliba uu Maanta ku faanayo Sida arxan darida ah ee uu dadkaas birimagaydada ah u laayay.

Weriyihihii ayaa Odaygii hadana weydiiyay Tobankaas qofi ma waxay ahaayeen Dhallinyaro waxa uu Odaygii Waayeelka ahaa kaga hal Celiyay “Maya Walaahi Dhamaantood waxay ahaayeen Caruur aad u yar yar oo aan midkoodna gaadhin da’dii qaangaadhka Marka laga reebo hooyadood”.

Madaxa ayuu qabsaday oo Kacay Misana fadhiistay iyadoo uu dhex galay Badweyn Murugo iyo oohini ku lamaan tahay “’Xasbuna laah Wanicmal Wakiil,Subxaanalaah,Subxaanalaah’ sidaa waxa ku celcelinayay weriyaha barnaamijkan soo saaray oo asalkiisu Carab yahay,Isagoo u muuqday nin ka madluunsanaa ciqaabtaa xasuuqa ah oo Habeenkaas galay Maalintiisi 4aad ee uu ka socdo Arlada amran ee Quduz.

Waxa uu dhulka ku tuuray Mikrifoonkii Kaamarada iyo Waraaqo uu Sitay.

Keligii Ma aha Xitaa Sawirqaadihiisii ayaa Oohinta ku daray iyadoo la maqlayay Cod Weriyaha ku leh Inaga Keen Walaal Meeshan Dhagaysiga Sheekadan iyo Mid kale oo la Mid ah Ma qaadi Karno.

Wariyihii ayaa ku hadaaqay Kelmado ay ka mid yihiin Bal Baxay Galabsadeen Ubadka reer Falastiin,Maxaa loo laynayaa da’dii soo kacaysay .

Keli dhagayste kumaan ahayn Daawashada Dhacdadaas,Mar keliya ayay asxaabtii ardaaga ila fadhiday aamuseen,Kaftankii iyo jareexadii ay talantaaliga isu waydaarsanayeen hakiyeen. Daymaddooda middeeyeen oo muuqaalka aragooda ku dhegay wada jalleeceen.

Iyagoon is ogayn oo mid kastaaba moodayay inuu keli ku yahay aragtida sawirka jawigii haasaawahooda bedelay, ayay isku mar ku dhawaaqeen, ‘’ Ax..Ax..waar bal eega arxan darada iyo axmaqnimadda intaa le’eg ee la samaynayo, ’’.

Dareen iyaga wadnahooda iyo dulmanaha ay muuqaalkiisa daawanayeen isku xidhayay baa jiray.

Iskaa tustadii hortayada taalay ee noo Shidnayd oo aan daawashaddeeda Wax Xiiso ah noo hayn Murugada ay soo Tebinayso awgeed ayaanu bakhtiinay Asxaabtii ardaaga igula Sugnayd Waxaa ka soo hadhay Amus,Yaab iyo Naxdin ay ka qaadeen Muuqaaladii uu Barnaamijku na tusay Waxaana Mar qudha laga wada jeestay sii Mililica Muuqaaladaas, oo barnaamijkuna kaga sii baxayo Ilmo yar oo Labada Lugood ka go’een,Maydad Tobaneeyo kor u dhaafay oo Naxashyo lagu sido.

Inta uu na Mideeyay Barnaamijka Daawashadiisu midba dareen ayuu ku sagootiyay Wax na farxadgeliyay Bu’da Ishayadu Ma qaban inuu dhiilo-sidle ahaa oo na cadho geliyay Mooyaane .

Intii ardaagaasi na Kulmiyay ayaa Weydiimaha ka dhashay Barnaamijkaas in cabaar ah la sii falanqeeyay Midbaa yidhi “Inaga Daaya Xusuusta Murugada leh ee la inoo soo tebiyay sii ambo qaadkeeda,Waayo kii inoo soo bandhigayba Way ku adkaatay inuu sii wado,Waa Qalbi Karbaash,inaguna inaynu Marag ka ahayn Wixii dhaayaheenu Qabteen aan ku koobnaano” mid kalena wuxuu ku ladhay “Ka Warama hadii ay Israa’il Sidaasi ku dhacdo adduunku ma ka aamusi lahaa iga wale in Nugliyeer lagu weerari lahaa” .

nin daqiiqadahaasba ku jiray aamus iyo afkala qaad ayaa yidhi “Horta Waxaan Maqalnaa Dagaal ooge laga soo qabtay Ruwanda,Kongo, iyo Meele kale laguna Maxkamadaynayo Maxkamada Heg oo talow tan miyay ka indho la’dahay tan,Mise uma aragto Dunuub iyo dhagaro dagaal ,Mise Waxaynu nidhaahnaa Miskiin ayaa Misko la fuulo leh ama Maydkaa Khaladka leh”

Midba dhinac buu iska taagay, laysu baaci, aragti kastana wax laga yidhi “Kii noogu yaraa Da’da intii ardaagu na Kulansiiyay ayaa ku tiraabay “ Xamaas hadii aanay awood ay dadkeeda kaga difaacdo Israa’iil iyo Natanyaahu lahayn Ha ka dayso inay ku Cariso Mise waxay Jecel Yihiin in Dhimashada ubadka reer falastiin ay daayin abid sidaa ahaato, Carabina ha iska dayso Waanu Canbaaraynay Weerarkaas,Qaramada Midoobayna ha is Moogaysiiso Waxa ka dhacaya Qudustii ambiyada”.

Ma u malaynaysaa in Barnaamijkaas oo Shan iyo Toban daqiiqo socday Isla markaana aan ka daawaday Telefishanka Aljazeera qaybtiisa ku Waranta Luuqada Ingilishku inuu Sii Socon Waayay

COMMENTS
LINKS