Maxaa Kala Haysta Golaha Degaanka Gabiley Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha, W/Q:Maxamed axmed cabdilaahi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Kala Haysta Golaha Degaanka Gabiley Iyo Wasaarada Arimaha Gudaha, W/Q:Maxamed axmed cabdilaahi.
July 27, 2014 - Written by Wariye:

Wasaaradaasi waxay si ku talo gala u joojisay fadhiyo aan caadi ahayn oo ay inta badan xildhibaano golaha ka tirsani fadhisan

gole guurti ,gole deegaan , gole fulineed ,gole xeer ilaalineed, gole xeer dhajineed,gole ….,gole……, intaa soo gole. Dhamaan waa goleyaal sharci ah oo ku yimaada sharci oo ku dhaqma sharci oo leh sharci siiya awoodooda iyo mid xadidaba.marna hawlahooda isuma milmaan oo lama kala garan waayo .waxase hubaala in hadii sharciga iyo dastuurkaasi kala xadaynayaa lumo ay gabi ahaanba khalkhali doonto hawshoodu .isticmaal xumada iyo six un u adeegsiga awooda hay adeed na waxay curyaamin kartaa hay ad kale .masalan wasaarada arimaha gudaha oo ka tirasan golaha fulintu waxay saamayn weyn ku keedahay golaha degaanka .markaa hadii  wasaaradaasi ay awood aanay lahayn isticmaasho waxa khalkhal galaya hawshii golahaasi deegaanka. Waana ta manta ka taagan degmada gabiley, oo  aad moodo

in wasaaradaasi ay gabi ahaanba curyaamisay golaha degaanka ee degmada gabiley.

 

Wasaaradaasi waxay si ku talo gala u joojisay fadhiyo aan caadi ahayn oo ay inta badan xildhibaano golaha ka tirsani fadhisan lahaayeen oo ay kaga arinsanayeen arimo khuseeya hogaanka golaha ooy inta badan ka tabanayeen maamul xumo aafaysay hawlaha golaha. Waxa xaqiiqo ah in ay xildhibaanadaasi mareen wadadii saxda ahayd ee ay ku qabsan kari lahaayeen kal fadhigaasi iyagoo  25/05/2014 warqad ay ku doonayaan arinkaasi u gudbiyeen badhasaabka gobolka iyo wasaaradaba kadibna uu wasiirku (c. m. warancade) ka codsaday in dib u dhigaan isaga oo cudurdaar uga dhigay khilaaf ka taagnaa xisbiga kulmiye oo uu hawshiisa ku jiray

 

Waxaad arkaysaa wasiir warancade oo inta uu maaweelo u dhameeyay xildhibaanada g/d/d gabiley fadhiyadoodii hoos geeyay 5 wasiir oo uu deegaan ahaan u soocay. “SUBXANALLAH”waar maxaa keenay inay wasiiro ka taliyaan fadhiyada gole deegaan miyaanay ahayn hay’ad inqilaabatay hay’ad kale.taasi waxay ceeb ku tahay nidaamka ,waxay dhaliil u tahay xukuumada,waxay khasaare ku tahay doorasho dhan oo hawl loogalay tamar iyo kharashba lagu bixiyay ,waxay waji gabax ku tahay hanaanka suuban, waxay uur xumo u tahay dadka reer gabiley,waxay dib u dhac ku tahay hiigsiga horumar uu gaadho gobalka gabiley,waxay waxaa soo xun ku tahay waxaa soo wanaaga.hadii meelihii Somaliland ku ad adkayd sidaa tahay waxa qofkii damiir lihi uu aad uga dhawrsanayaa ogaansha xaalada meelaha Somaliland ka jilicda santahay ama maamulku si fiican u gaadhsiis neyn .haa waa sidaa! Miyaanay Somaliland cid u naxda u baahnayn, miyaanad ka dhiidhiyayn gefefka qayrul macquulka ah. Dad intii damiir ku hadhay waa inta wal wal ka hayo arimahaasi dhabarjabka ku ah qarankan curdinka ah

 

Waxa wax laga xumaado ah in ay arimahasi u dhacayaan oo golaha degaanku uu fadhiid u yahay arimo shakhsiyadeed iyo waxaan ka buurnayn .shaqayna mayaan xildhibaanada gobolku ilaa laga gudbayo arimahaasi shakhsiga ah iyo carbisashada maamulka golaha ku takhasusay wax qabasho la aanta.

Waa waxaan loo dul qaadan Karin in  wasaarada arimaha guduhu ilaashato maamul ay ogtahay fadhiidnimadiisa oo waxay ahayd bishii 2aad markii wasiir ku xigeenka wasaaradaasi yimid gabiley oo buuq ka taagnaa golaha dhexdiisa  xalin dabeedna qiray inay maamul xumo jirto  . sidaa darted waa inay wasaaradu joojiso curyaaminta golaha

 

Wabilaahi tawfiiq

W/Q:Maxamed axmed cabdilaahi

Kaale_433@outlook.com

Gabiley , somaliland

COMMENTS
LINKS