Maraykanka Oo Shaqaalihii Ka Jooga Safaarada Liibiya Ka Daad-Guraystay,Sababa Amni Awgood. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Shaqaalihii Ka Jooga Safaarada Liibiya Ka Daad-Guraystay,Sababa Amni Awgood.
July 27, 2014 - Written by Wariye:

 maraykankaHargaysa(Wajaalenews):-Maraykanka ayaa shaqaalihiisa ka daadgureeyey safaarada uu ku leeyahay dalka Libya, waxa uuna geeyey dalka Deriska la ah Libya ee Tunisia.

Waxa halkaasi lagu geeyey baabuuro, waxaana dhusha ka ilaalinayey diyaaradaha dagaalka ee maraykanka.

Waaxda arrimaha dibeda maraykanka ayaa ugu baaqaya muwaadiniinta maraykanka in ay iskaga soo baxaan dalkaasi Libya.

Dagaaladu kuma cusba magaalada Tripoli,Maalmihii la soo dhaafay waxa sii xoogeysanayey dagaalada u dhaxeeya maleeshiyada iska soo horjeeda, kuwaas oo ka dhacayey meelo aad ugu dhow safaarada uu maraykanka ku leeyahay Tripoli.

Dagaaladu waxayba sababeen in la xidho garoonka caalamiga ah ee diyaaraduhu ka hadaan, Markiiba go’aan ayaa la gaadhay oo ah in shaqaalaha safaarada maraykanka laga saaro caasimada oo baabuuro lagu geeyo dalka Tunisia.

Waxa howshani taageerayey ciidamada maraykanka iyadoo diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo kuwa loo yaqaano MV-22 ay dhusha kala socdeen oo dhusha ka ilaalinayeen.

Maraykanka ayaa ka walaacsan in uu dhoco mid la mid ah weerarkii ka dhacay magaalada Benghazi ee lagu dilay safiirkii maraykanka ka joogay Libya iyo sedex kale oo ka tirsnaa shaqaalaha Maraykanka.

Su’aalo badan ayaa la iska waydiiyey sababta looga hortagi waayey weerarkaasi, waxayna inta badan su’aalahaasi ku wajahnaayeen xoghayihii hore ee arrimaha dibeda ee maraykanka Hilary Clinton.

Ku dhowaad saddex sanno markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii hore ee Libya Muamar al-Qadaafi, Libya weli ma aanay helin dowlad dhexe oo soo celiso ammaanka iyo kala dambeynta isla markaasna midaysa maleeshiyada iska soo horjeeda.

Haddii ay meesha ka baxdo howlaha dibloomaasiyadeed ee safaarada maraykanka-na waxa laga yaabaa in ay qaadato muddo dheer in arrintaasi lagu guulaysto,sidii loogu soo dabaali lahaa nabad

Hargaysa Office/Somaliland
Wajaalenews.com
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadair Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS