Magnad Madaxa La Dhex Gelinaayo oo Qofka Dhegaha Culus u Saamaxaya inuu si Fiican wax u Maqlo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magnad Madaxa La Dhex Gelinaayo oo Qofka Dhegaha Culus u Saamaxaya inuu si Fiican wax u Maqlo.
July 1, 2014 - Written by Wariye:

Qalabkan codka qofka u soo jiidaaya waxa ku xidhan birlab yar oo la gelinaayo maqaarka dhegta hoosteeda, taasoo ogolaanaysa in dhegtu soo jiidato codka

Khubaro u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa ku guulaystay in magnet amma qalab sida birlabta oo kale ah oo basada sare ee madaxa lagu dhex rakibaayo, kaasoo qofka dhegaha culus u saamaxaya inuu si fiican u maqlo.

Jilaa caan ah oo la yidhaa Billy Coughlin oo 22 jir ah oo u dhashay magaalada Birmingham , kaasoo ilaa yaraantiisii dhego cuslaa, ayaa khubaradan ku guulaysatay inay qalabkan ku rakibaan, kadibna uu si fiican wax u maqlo.

“Iminka xataa waxaan maqli kara jabaqda ugu yar, sida qofka socodkiisa, codadku way I dhibayaan, waana markii ugu horraysay aan wax maqlo muddo lix sanno ku dhaw, waxaanan dareemaya in nolol caadi ah aan hadda ku jiro,” ayuu yidhi Billy oo ka hadlay dareenkiisa qalabkan ku aadan.

Qalabkan cusub  oo lafta qofka ee madaxa lagu rakibaayo si qofka wax u maqlo oo la yidhaa BAHA waa qalab ku cusub caalamka oo lagu beddelaayo sameecadihii dhegaha lagu xidhan jiray ee qadiimiga ahaa.

maganadQalabkan codka qofka u soo jiidaaya waxa ku xidhan birlab yar oo la gelinaayo maqaarka dhegta hoosteeda, taasoo ogolaanaysa in dhegtu soo jiidato codka, waxaanu qofku u maqlaya si caadi ah shayada yar yar ee codka hoose sameeya.

Dr. Metthew Trotter oo ah dhakhtarka qalabkan ku guulaystay inuu jilaagan da’da yar ku rakibo, ayaa sheegay in habka ay u daaweeyaan maqalka luma ay ku xidhan tahay sida jidhka qofku u dhaawacmay, waxaannu yidhi; “Qalabka BAHA wuxuu ku habboon yahay bukaanka dhibaatada maqalku ka haysato xagga sare iyo dhexda dhegta, taasoo ay sababaan caabuq, balse dadka maqalkoodu wada lumay qalabkan ma caawin karo.”

Ku dhawaad 1,500 qof oo dhego culus ayaa qalabkan ka faa’iidi doona qalabka, kuwaasoo heli doona maqal fiican.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS