Magaaladii Berbera Oo Halis Ugu Jirta In looga Qaro Biyo La’aan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaaladii Berbera Oo Halis Ugu Jirta In looga Qaro Biyo La’aan.
July 5, 2014 - Written by Wariye:

Xildhibaanada golaha degaanka degmada berbera ee u xil saaran arimaha bulshada maxaa ay iyaguna ka yidhaahen biyo

Berbera magaalada berbera iyadoo soo martay marlaxado badan oo kala duwan hadan wali may gaadhin halka ay maanta  marayso .waxaana ugu baahi badan yihiin hal arin oo ah biyaha iyadoo lagu jiro bishii barjkaysnay  ee ramdaan  wakhiguna aad u kulul yahay ,Hadaan wakaalada biyaha iyo shaqadeeda wax ka tilmaano waa wakaalada kaliya ee biyaha waa wakaalada kaliya ee ugu hawsha yar xaga biyo soo saarka oo ceelasha biyuhu aad ayay ugu dhaw yihiin magaalada .mishiidanada wakhti yar oo kooban markay shidnaadan waxay ku buuxiyaan berkadaha iyo kaydka biyaha eek u filan dadka hadaba biyaha nooca ku yimaad ee aan layn kharash sidaa u sii xoogan .biyaha noocaas ah dadka reer berbera intooda badani way ka haraadan yihiin ,qofka ku

nool magaalada berbera saacad kaliya kama maarimi karo biyaha waxaanad arkaysaa dadka jilicsanaa ee magaalada ku hadhay oo kaaryoonyaal iyo jirakaano la wareegay cadeeda iyo dabasha kulul ee hanfiga ah  ka dhaca magaalada gudaheeda arintaas oo aan la qiyaasi Karin dhibaatadeed qof arkay mooye qof kale “

Hadab waxas oo dhan wax ka daran   wararka qaarkood  tibaaxyaan ee ah in mareeyaha wakaalada biyaha iyo maamulka maamulka maxjarka indha deer   heshiis hoose dhex maray oo ah. In masjarka xoolaha ee indha deero iyo Al jaabiri  loo leexiyo biyaha wakhtiga ay xooluhu ku jiraan ,halka oo mareeyaha wakaalada biyaha berberana loo balan qaday in aan la badali doonin inta wadanka taladiisa gacanta ku hayaan xukumada madaxwayne silaanyo .arintaasina waa bar ku taala madaxwayne silaanyo oo maalinta yoomal qiyaama la waydiin doono dadka haraadka iyo diifta u liita ,  arinta biyo la,aanta berbera maxuu ka yidhi guddomiyaha gobolka saaxil fahmi cabdi bidaar waxa uu kaga jawaabay subax subax ka mid ahayd oo kormeer ku tagay kaydka biyaha berbera oo la socday mareeyaha wakaalada berbera c/raxmaan cartan geedi .waa shqeeyay mareeyaha wakaalada berbera waana aan ku amaanaya shaqada uu hayo ,korneernu kama duwanayn kuwo horeba ugu tageen badhsaabadii ka horeeyay waa nidaaf oo mareeyaha wakaalada biyha berbera fahmay

Xildhibaanada golaha degaanka degmada berbera ee u xil saaran arimaha bulshada maxaa ay iyaguna ka yidhaahen biyo la’aan berbera xildhibaanadu iyagu waa qaar aan ka war qabin xaalada dhabta ah ee bulshda ay ka masuulka yihiin waayo tan iyo intii la soo doortay waxa  soo noqnota biyo la.aanta baahsan ee jirta berbera maalin kaiyana kama hadal warbixinaha ay kala fadhidayada golaha degaanka isugu kagama hadlaan

Marar hore waxa uu mareeyaaha wakaada biyaha berbera c/raxmaan  cartan geedi ku macneeyay in laba mishiin ka fadhiisteen iyo ceelsha oo wakhtiyo hore roobab ku gu danbeeyen intaas bada maanta dawo ayaa loo helay  oo Hayada JIZ oo ah hayad Germany  oo ka hal gasha gobolka saaxil ayaa hore ugu deeqat mishiinkii .arinta maanta waxa uu mareeye c/raxmaan ku maceenay dadkii gobolka deganaa ayaa soo gordahy biyhuhuna ma soo kordhaan

 Biyo la.aanta Baahsan ee wakhtiga kulaylaha ah iyo ramadaanta la kawstay waa mid aah cusub ku ahayn berbera ee waa arin muddoyinkii ugu danbeeyay soo noqnonaysay ,mana jiraan cid ka gaashaamanysa waxaana suulo gal ah in mustaqbka dhaw berbera ku danbayso biyo yaraan

 

Warbixin ;Wariye Mubaarik nirig

COMMENTS
LINKS