Madaxweyne Siilaanyo OO Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Shirkada Bollare Oo Ka Shaqaynaysa Horumarinta Dakada Barbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo OO Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Shirkada Bollare Oo Ka Shaqaynaysa Horumarinta Dakada Barbera.
July 8, 2014 - Written by Wariye:

Kulankan oo ahaa mid saxaafadu ay dibad Joog ka ahayd ayaa ka dib markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyey wax yaabaha ay ka wada hadleen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis,

 

xafiiska madaxwaynahaHargeysa(Wajaale News):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud(Silaanyo) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday shirkada Shirkada Bollare ku shaqada leh horumarinta dakada Barbera.oo uu saldhigeeduna yahay Dalka France.

Kulankan oo ahaa mid saxaafadu ay dibad Joog ka ahayd ayaa ka dib markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyey wax yaabaha ay ka wada hadleen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis,waxaana ka mid ahaa hadaladiisii.

“Maanta waxaanu halkan aanu ku soo dhawaynay shikada la yidhaahdo Bolore ee dakada Barbera nagala shaqaynaayey,sida aad ula socotaana shirkadani dhawr goor ayaa ay halkan noogu timi,waana shirkadaha caalamka ugu wayn xaga Dakadaha,waxaana ay ka yimaadeer Itoobiya oo ay la soo kulmeen raysal Wasaaraha dalka Itoobiya oo ah meesha aynu doonayno in aynu ka iibino alaabta hadii ay Dakadeenu ay shaqayso ama ay dhamaato,waxaanu hada ka wada hadalnay sidii aanu hore ugu sii wadi lahayn shaqadii sanad dhaw dhaw ayaa ay hadak a shaqeeyeen horena waa ay noola shaqeeyeen markaa maanta intaas ayaa ay u socdeen in ay Madaxweynaha ay ogaysiiyaan”.

Madaxweynaha Shirkadaasi Mr Dominique Lafont oo isna halkaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in ay ka shirkad ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay noqdaan shirkada ka shaqaynaysa horumarinta dakada Magaalada barbera si ay u noqoto dakad hogaamin karta geeska afrika,waxaana uu sida oo kale uu tibaaxay in ay had ay u yimaadeen in ay madaxweynaha ogasysiiyaan in ay bilaabayaan hawsha horumarinta dakada Magaalada Barbera.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS