|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Warar Laga Faafiyay ku Tilmaamay Mid Aan Sal iyo Raadlahayn.: Waan Caafimaad Qabaa Boqolkiiba Boqol”
July 26, 2014 - Written by Editor:London(Wajaalenews);Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warar sheegayay in xaaladiisa caafimaad liidato oo lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha internet-ka, waxaanu sheegay in arrintaasi ay tahay dacaayad aan raad lahayn. Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay ka hadlayay xaflad afur iyo casho iskugu jirtay ay u sameeyeen qaar ka mid ah qurbo-jooga reer London, waxaana xafladaasi kala qeyb galay Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ugu horayn u mahad celiyay xubnaha qurbo-jooga reer London ee xafladaasi u sameeyay, waxaanu yidhi “Jaaliyadda reer UK ee halkan iskugu timi iyo marti-sharafta kale aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida sharafta leh ee halkan noogu soo dhaweyseen waan idiinka mahad celinayaa, dalkii warkiisi waad haysaan waxba idin kama dhina dal dimuqraadi ah ayaynu nahay dimuqraadiyada qaarba si ayay u fahmaan dad badan ayay dimuqraadiyada iyo Tignoolajiyaduba u danaysay laakiin waxa wanaagsan Alle ha ina tuso, dalkan waxa badan ayaa laga qabtay oo iska bedalay mudadii aanu joognay oo laga qabtay dhinacyada caafimaadka, waxbarashadda iyo adeegyadda kaleba.” Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in maadaama oo aynu nahay dal dimuqraadi ah ay u adkaysan doonaan wixii dhaliil lagu toosinayo, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dal dimoqraadi ah ayanu nahay ma dhaliil li’in oo ma diidayno dhaliil waxa la qabtay-na ma yara, waanu u adkaysanaynaa oo diyaar ayaanu u nahay oo waanu qaadanaynaa wixii toosina. Jaaliyada reer Somaliland waan u mahad celinaynaa kaalinta ay dalka kaga jiraan mar walba.” Madaxweynaha oo ka hadlayay warar ka dayrinayay caafimaadkiisa oo lagu baahiyay shabakadaha Internet-ka qaarkood, waxa uu yidhi “Caadfimaadkayga ayay wax ka sheegaan (saxaafaddu) waanigaa caafimaadka qaba ee idin hor-jooga wixii run ah ayaa iska soo bixi doona, Illaahay baan ugu mahad-naqayaa caafimaadka uu I siiyay iyo masuulka ummada iiga dhigay labadaba.” Madaxweynaha Somaliland waxa uu xafladaasi ka ammaanay Wasiirka waxbarashadda oo uu xusay inay wax badan ka qabatay horumarinta tacliinta mudadii ay xukuumadiisu jirtay
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Cali Abokor Oo Ku G... AFHAYEENKA XUSBIGA WADANI EE GOBOLKA GABILEY OO XUKUUMADA KU EEDEEYAY FARAGALINTA QAAWAN EE AY GOLAH... Daawo: Maxamed Xaashi Cilmi oo Sheegay In Aanay Marnaba Aqbalayn Raali-gelintii Uu Farmaajo Ka Bixiy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|