|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliya Oo Dafiray Inuu Bangiyo Gaar Ah Ku Leexsaday Lacagaha Dalkiisa La Siiyo.
July 19, 2014 - Written by Wariye:Muqdisho(Wajaale News):-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay inuu leexsaday caawimada ay Somaliya ugu deeqaan dawladaha caalamku, waxaanu sheegay inaanay isaga iyo dawladiisu leexsanin lacago iyo hanti kale. Kooxda UN Monitoring group ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay toddobaadkan soo saartay waxay ku sheegtay inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo masuuliyiin kale ka shaqeeyeen sidii khaanado gaar ah loogu leexsan lahaa lacago iyo caawimo kale oo Somaliya loogu deeqay. Wuxuu sheegay Xasan Sheekh inaanay waxba ka jirin eedahaas, isagoo sheegay taas bedelkeed inuu sameeyay wakhti hore guddiga maamulka maaliyadda Somaliya, “Waxaanu cadaynay inay naga go’antahay inaanu horumarino maaraynta hantida umadda, iyadoo aanu samaynay guddiga maamulka maaliyadda. Waxay guddigani hadda soo saareen warbixintoodii u horaysay bishii May, iyagoo hoosta ka xariiqay arrimaha muhiimka ah ee ay ka gaadheen maamulista maaliyadda umadda.” Sidaas ayuu ku yidhi dhambaal jawaab u ah eedda UN Monitoring, waxaanu sheegay inay dawladiisu ka shaqaynayso soo celinta hantidii ay Somaliya lahayd ee dibadaha la dhigtay amaba xayiran, “dawladdu waxay sii wadaa inay raadiso sida ugu wanaagsan ee lagu so celin karto hantidii laga xaday ama laga xayiray ee Somaliya.” Wuxuu codsaday in gacan laga siiyo dawladiisa dib u soo celinta hantidaas, oo uu sheegay in helitaankeeda iyo soo celinteedu ay adag yihiin. Waa markii saddexaad ee ay UN Monitoring group Madaxweynaha Somaliya iyo xukuumadiisa ku eedeeyeen xaditaanka caawimada ay dunidu siiso Somaliya. Wadamada Beesha caalamka, gaar ahaan reer galbeedka oo markii hore si aada u taageersanaa Xasan Sheekh, ayaa wakhtigan ka calool go’ay, ka dib markii ay bateen warbixinaha musuqmaasuq ee si toos ah loogu eedeeyay.
Geeska. Related posts:Xildhibaan Mubaarik Xeel Dheere Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Deegaan Katirsan Gobolka Togdheer,Xukuuma... Kooxda Lacagtii ugu Badnayd La Gashay Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyada Ee Dalka Engiriiska iyo Xidiga... Daawo-Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabay Xildhibaano Kasoo Jeeda Gobolka Awdal Oo S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|