Madaxweynaha oo Gaadhi Gudoonsiiyey Ardaygii Ku guulaystay Kaalinta Koowaad ee Tartanka Qur’aanka Kariimka ah Daawo Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha oo Gaadhi Gudoonsiiyey Ardaygii Ku guulaystay Kaalinta Koowaad ee Tartanka Qur’aanka Kariimka ah Daawo Sawiro
July 8, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xaflad qiimo badan oo isugu jirta Abaalmarin, Afur iyo Casho sharef u sameeyey Ardaydii ku tartamaysay Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah iyo Culimadii is xilqaantay ee tartankaasi dhexdhexaadinaysay iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo hormuud u ahayd xafladan qiimaha badan.

 

Madaxweynaha ayaa ugu horaynba waxa uu gaadhi noociisu yahay TOYOTA NOAH gudoonsiiyey wiilkii hogaaminaayey Ardaydaasi ee kaalinta koowaad ku guulaystay iyo kaalinta labaad, saddexaad iyo Afraad, oo sidan u kala horeeya

1.     Cabdilaahi Maxamed Cali (Gobolka Maroodi-jeex) kaalinta koowaad

2.     Shucayb Maxamed Cabdilaahi (Gobolka Sool) labaad

3.     Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Gobolka Togdheer) saddexaad

4.     Jamaal Cabdinaasir Xuseen (G/Maroodi-jeex) afraad

IMG_0047IMG_0189IMG_0170IMG_0156

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halka Madaxweynaha laftiisa la gudoonsiiyey Kitaabka Qur’aanka kariimka ah oo ay madaxweynaha ku sharfeen Culimada iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta madaama oo madaxweynuhu uu isagu lahaa fikirkan qiimaha badan farayna Wasaarada Diinta iyo Awqaafta in sanad walba la qabto kartankan qaaliga ku ah Somaliland, isaguna uu hormood ka noqdo marwalba dhiirigeliyana Ardayda qiimaha badan ee Gobolada Dalka Somaliland ku kala dhaqan balse ku kulma sanad walba kulankan muhiimka ah iyada oo sanadkii horena uu ku guulaystay tartanka kii ka horeeyey Wiilka socday Gobolka Sool, halka uu Sanadkana ku guulaystay wiil ka Socda Gobolka Maroodi-jeex kaalinta labaadna uu ka galay wiil aad u da’a yar oo ka socday Gobolka Sool.

COMMENTS
LINKS