Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Qaliin Caafimaad gali doona Dalka Ingiriiska iyo Wasiirkiisa Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yonis oo Xaqiijiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Qaliin Caafimaad gali doona Dalka Ingiriiska iyo Wasiirkiisa Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yonis oo Xaqiijiyay
July 14, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Madaxwaynaha Somaliland md Axmed Siilaanyo maalintii shalay Safar ugu kicitimay Dalka Ingiriiska ayaa waxa la sheegay inuu qaliin caafimaad gali doono

Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa bogiisa Twitterka Ku daabacay in Madaxwaynaha Somaliland Qaliin Caafimaad uu gali doono isagoo shacab Waynaha Reer Somaliland Ka dalbaday in loo soo duceeyo Waxanu yidhi “Ramadan Karim dhamaan shacabka somaliland , waa inaynu usoo ducaynaa madaxwaynaha qaranka oo geli doona qalliin caafimaad”Maxamed Biixi Yonis oo bogiisa Twitterka ku baahiyay sidaasi Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa uu safarkiisaasi ku sheegay inuu yahay mid shaqsiyadeed.

 

wajaalenews.net

hargeisa/office

C/raxmaan

COMMENTS
LINKS