Maayarka caasimada Hargeisa Oo Dib U Bilaabay Khilaafkii Dhanka Danta Guud Ahaa Ee Hore Uga Dhex Taagnaa Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Dawlada Hoose | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka caasimada Hargeisa Oo Dib U Bilaabay Khilaafkii Dhanka Danta Guud Ahaa Ee Hore Uga Dhex Taagnaa Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Dawlada Hoose
July 17, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(HNA)Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa markale soo cusboonaysiiyey Khilaafkii arrimaha Dhulka ee Bilowgii sanadkan dhex maray Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo madaxweyne Siilaanyo hore u sheegay inay Masuul ka tahay Dhulka Danta Guud iyo Guryaha Dawladdaba.

Maayarka ayaa la sheegay inuu Ku-takri-fal xagga dhulka Danta Guud oo Tiro badan sameeyey Muddadii uu xilka Hayey, iyadoo Dad Gaar ah loo qayday Dhul Dan Guud oo loogu talo galay in Dawladdu u isticmaasho danaheeda Gaar ah, balse uu Maayarku sifooyin isaga u gaar ah u isticmaalay.

Haatan waxa Taagan muran u dhexeeya wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif iyo Maayarka caasimadda, kaas oo salka ku Haya Guri uu dhisanayo Muwaadin cabdi Haybe ooh ore uga Tirsanaa Xukuumaddii Udub, isla-markaana Aqal Dawladeed loo sharciyeeyey inuu ku takri-falo.

Arrintan ayaa la sheegayaa inuu si weyn uga Cadhooday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeyntu, isla-markaana Dhinaca Madaxtooyada ka waayey wax hiil sharci ah, kadib markii ay dhinaca Saartay Tallaabada uu maayarku ku farogelinayo Arimaha Guryaha iyo Hantida Dawladda.

Muranka ka dhashay Aqalkan ayaa wali taagan oo aan xal loo helin inkastoo ay muuqato in Madaxtooyada iyo Maayarku ku wada Socdaan Tallaabadaas, waxase uu Wasiirku haatan ku Hawllan yahay tallaabadii uu qaadi lahaa maadaama uu garwaaqsaday in shaqadiisii cid kale faraha ku hayso.

Sidoo kale waxa Dhawaan Hadal ka taagnaa oo Xildhibaanno Dawladda Hoose ah oo Maayarku Hormood u ahaa laga hortaagnaa Dhulka Dan Guud ee Garoonka Cigaal International Airport oo Madaxweynuhu Guddi gaar ah u saatay, balse Xilshibaanadaasi Doonayaan Inay Maamulaan dhulka Danta Guud ee Dadka laga Rarayo.

Gebi ahaanba Xildhibaanada Dawladda Hoose ee Hargeya, ayaa caan ku ah oo ku mamay Dhulka Danta Guud ee la kala hororsanayo, waxana la Arkaa marka arrimo dhul laga Hadlayo oo kaliya, iyagoo markaas Dhulkaas sidii ay doonaan u kala Booba.

Maayarka Caasimadda ayaa isagu inta Badan dhulka Danta Guud ee uu ku takri Falayo raalli gelin ka weydiista Madaxtooyada oo uu aad ugu xidhan yahay, waxana uu xidhiidhy dhaw la leeyahay Kooxda Madaxtooyada ku xeeran oo si dadban wax ugala socodsiiyo hadba Meesha wax marayaan.

Xildhiibaanada Wakhtigan ee Golaha Deggaanka Hargeysa ayaa lagu xasuusan Doonaa Kuwii ugu dhul-boobka Badnaa ee Caasimadda Soo Mara, iyadoo maayarkoodana lagu shaambadeeyey mid Hamuun iyo Harraad u qaba inuu Dhulka Danyarta la Boobo madaxtooyada, isla-markaana uu iska illaawo hawlihii shaqo iyo bilicdii Caasimadda, gaar ahaan xilligan oo ay foodda inagu soo Hayso Ciiddii Barakaysnayd ee Bisha Ramadaantu, waxana Magaalada Hargeysa ka taagan Cidhiidhi iyo dhibaato badan oo dadka Danyarta ahi qabaan.

 

wajaalenews.net

hargeisa/office

carab

COMMENTS
LINKS