Maanta Cadowga Keliya Ee Somaliand Waa Golaha Wasiiradda Kuwa Ugu Dhow Qasriga.. Madaxweyne Na Malihin… Tallo Tallo !!!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maanta Cadowga Keliya Ee Somaliand Waa Golaha Wasiiradda Kuwa Ugu Dhow Qasriga.. Madaxweyne Na Malihin… Tallo Tallo !!!!!!
July 3, 2014 - Written by Wariye:

Dadku Maaha inay TV ga 7 Millions $ lagu musuqo inay uun Daawadaan, Dalkan Hawadisii Waalala wareegey

madaxweyne waad ku fashilantay guul daraysatay adiga iyo wasiirada u haysta intay dalkan lacag ka helayqan inuu caadi yahay ee aan dan kale aqoon iyo af kugu kormdhinayn ee xag jirka ah ee musuq ah.  dalku cadow kale malaha golahaaga ayaa ka xun shabaab oo ka xun khaatumo kana kharat badan.

 

si loo badbaado bishan kahyrka leh .. is casil..kama saari kartid waxaa kugu meersan abrisyo, abeesooyin u baahan in iyaga dalka laga qabto oo ku mamay sidii gafanaha dalka.. waxaa raaca xubnoqoyskaag ka mida.. intaasi waa runta iyo badbaadada qarranka.

 

Dadku Maaha inay TV ga 7 Millions $ lagu musuqo inay uun Daawadaan,  Dalkan Hawadisii Waalala wareegey, ( civilaviation) isgaarsiintii (telecmunicatin), Xasuusqii 1988 baa lagu sheegay (dhacdo xun)

ARRIMIHII DEBEDA WAA LA SOO QUFULEY, Xuduudihiisiina jaarkana waa la soo xidhay.  Waxaynu Ognahay in Passportka Somalland  10 Dal ayaa lagu tegi jirey, WAAGII RIYAALE Waxay Kala ahaayeen, Ethiopia, Djibouti, South Sudan, South Africa, Ghana, Uganda, Kenya, Malaysia, U.K iyo Singapor  Imisa Dal ayaa lagu galaa Maanta 4 Sanno Kadib.? Runtii  Maanta Waxa u dambeeyey Ethiopia iyo Jibuuti oo joojiyey.  Runtu  Waa xaaraan Dawladan maanta jirta, Waad ogtihiin maaha been in Ethiopia ay  Xadka inoo furtay 1988-2014, Waxay la so maacaa mishay Maamulo kala Duwan sida AHUN Abdirahman Tuur, AHUN Cigaal, Rayaalle, Alshabaabna wey jirtey Xataa HARGEYSA Ethiopia Embassy bay Qarxiyeen, Lama xidhin Xadka Ethiopia waa xarunta Afrika Waa  saaxiibka Somaliland Wa Dal Qadiim ah oo Mamul iyo Kala Dambayn lahaa 3000 .SANO LEH  faraha/qoraal ugaara o kamida aduunka ugu  Qadiimsan, Waxaa jirra Waxa ay Ethioopia ku kalifey Ee Jabuuti ku kalifay Inay Xadka Dadkeena ka xidhaan  joojaana Dalku galkii iyo Baasboorkii…Bulshoy toos  yeeli mayno in Aaamina Weris iyo Baashe oo aan Dalka Waxba ka oolin inay Hantida gurtaan Somaliland Dunto.. In Cashuurta Dalka Samaalle iyo Xirsi u heshiiyaan oo fulinaya Danaha  damul jadiid iyo Islaax, yeeli mayno In Somaliland Burburto.. Mucaarad iyo Asxaab iyo waddani kasta maanta xilbaa Saaran haday adkariga tahay iyo haday RRU tahay, waa in koxdan Dalka laga qabto.

 

MAAHA BEEN IN XAMAR FIISAHA LOO DONANAYO BERITO MARHADAAN MEEL LAGU GELAYAA JIRIN MAANTA BAASBOORKII  10 DAL LAGU GELAYEY MARKII CABDILAAHI MIHAMED DUCAALE WASIIRKA AHAA..

Madxweyne talinayaa Majiro Waxaa jira Dad beesha caalamku u argto inaanay ahayn dadku haboon inay Dalkan hogaamiyaan oo shakiweyn ku abuuray xidhiidhadiiCaalamiga ahaa.  Dadkii noocaas ahaa ayaa dhaqaalihii dalka iyo awoodii ciidan iyo siyaasadii hogaaminaya waana dad layli buubaal ah Xaga aqoonta maamulka dawliga ahba Heer hoose taagan.  Waana ta keentay inay soo oodanto Siyaasadsii Debeda tii gududhuna ku Afjaranto RRU u dhacda hadba qofka Dawlada dhaliila ama Kulmiye Garabkamida taageera, iyo Aamus oo ha hadlin Xabsigaas Hubaal iyo Haatuf,  Waxaa kale oo Siyaasadii Gududhu gaadher Heer Salaadiinta beelahu lacag ku hadlaan iyo Waddo  cagaf ciid dhigtay oo TVga laga soo daayo… Haddii waddo cid lagu cisaynayo Siyaad Barre ayaa lagucisayn lahaa oo Boqolaal waddo iyo Dekedood sameeyey.

 

Cadowga Somaliland Waa Masuuliyiinta Wasiiradda iyo Golaha fulinta ee Siilaanyo Waa kuwa Hrseedka u ah Dibudhaca boobka muaamarada iyo shirqoolka khiyaamooyina qarrankan ku habsadey.  Dagaalka Xusbiga lagu burburiyey Kulmiye, Dagaalka Golayaasha Deegaanka Salaxley iyo hargeysa, Dagaalka Saxaafada, Dilkii iyo Dhagartii lagu khaarajin rabey Wasiirul Dawlihii Hore ee Amniga Cabdilaahi, Dilkii Dahsoonaa ee lagu khaarajin Rabey Gud. 2aad ee Kulmiye Muj. Mohamed Kaahin, iyo Muj. Xil ina Faarah Qabile. Dagaalkii Xamarji,  Siideynta Xubno Al-shabaab ka tirsan, Baabiinta Sir doonka Qarranka, Baabiinta Hanti Dhowraha Guud,  Maamul Xumada Police ka, Dhacdadii Jeelka Weyn, laalabidii dhuruucda iyo kala Dambayta ee La  xaadhey Dhamaan Agaasimayaashii Guud, Cadaalada darada iyo Maxkamada Go’aankeeda Madaxtoyada laga soo yeedhinayo.

 

Waa in layska ridoAl islaaxda Caa’ilada & Damul jadiida ku shaqaysanaysa Codkeenii Markii madaxweynihii Cad noqday.

COMMENTS
LINKS