Maanso-Waa Maxay qolladaa? “Maqal & Qoraal” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maanso-Waa Maxay qolladaa? “Maqal & Qoraal”
July 27, 2014 - Written by Wariye:

4:Qisaadii Qamar Yusuf . 5:Iyo Qaarshe Qalaaye . 6:Ku qaadaa dhigo Maanso .

:Maanta aan qormadaydiyo.

2:Qaabaynta Tixdaydiyo

3:Qalinka qaadka qoraalka .

4:Qisaadii Qamar Yusuf .

5:Iyo Qaarshe Qalaaye .

6:Ku qaadaa dhigo Maanso .

7:Tani maaha qaraaxo .

8:Mahan Sheeko Qiyaala .

9:Qosol loolama jeedo .

10:Qaram waa Gabar suuban .

11:Dhaqankaan Qurankaa iyo .

12:Qabyaaladda ka qab wayn .

13:Qaarshena waaba qanaac .

14:Dagaalo qayb ka ahaayoo.

15:Qollaysi baana u diina.

16:Ninkii Qaarshe  ahaa .

17:Qamar bay is barteenoo .

18:Ayaamuu is qor beeniyo .

19:Quruxeey ugu yeeray .

 

20:Galab ay is qabteen buu .

21:Su’aal qaabkan u yeershay .

22:Waa mid aan qabay maalmee.

23:Qamareey Qoladaa .?

 

24:Halkuu Reer Qodqodaaye .

25:Ama Reer  qorya wayne .

26:Fillanaayey Qollaysi .

27:Qaab kaleey ku jawaabay .

28:Qaarshe waa ku sideeyoo.

29:Maxaa

taas kugu qaaday .

30:Dhaxal qaybsi ma yaalo.

31:Eeda Qarad meehiye .

32:Qabiilkaad ka hadlaysiyo .

33:Waa Maxay qolladaa .

34:Halkani Qaarad kaleeto .

35:Dadku waa dad qalaad.

36:Middi  Qowmiyaddeeniyo .

37:Ma ahan qaabku sidii .

38:Inkastay Qariyoonoo .

39:Gaalo qaawan yihiinoo .

40:Aysan qaadan Islaamka .

41:Haddana qaabka adduunka .

42:Toodu waa mid qumaati .

43:Horuu qaad Nololeed iyo .

44:Ku qaabaysan dantooda.

45:Iyagoon kala qaadmin .

 

46:Siyaasad bay qoton sheenoo.

47:Qaran bay harsadaanoo.

48:Qatane meeshan ma joogoo

49:Qofna Quudka ma waayo .

50:Dawladdan u qorshaysay .

 

 51:Qofka aad u muraado .

52:Qolkiisaa leh Adrees .

53:Taleefoono la qaatiyo

54:Lambar baa la qortaa .

 

55:Habka qoyska samayska .

56:Midab layskuma qaatoo

57:Qarash layskuma raaco .

58:Qofba kuu ku qacnee .

59:Qalbigiisu Jeclaado .

60:Ayuu Qaali dhahaa .

61:Isagoon qolladaa iyo .

62:Qabuuraysiga la aaddin.

63:Dhulkeeni qaribnaa iyo .

64:Meeshi qayladdu taalee

65:Laysku qaybshay dadkoo .

66:Qoryaa laysugu dhiibay .

67:Qollaysi loo qoqobnaayee.

68:Qaa’imiin isimaa iyo .

69:Siyaasiyiin Qaswadaa oo .

70:Ku Qaraabta Qabiilkiyo  

71:Dhaqankii Qurunkaa iyo

72:Ma yaal Qaabki Xumaa .

73:Qashiin fooqal qashiin .

74:Qaarshoo qacni waayaa.

75:Mar kaleeto ku qowlay .

76:Addigoon Igu qaylin .

78:Qastigayga dhagayso .

79:Qaali waan ku jeclaaday .

80:Walaaleey Qollaadaa .

81:Dibnahay kala qaadoo.

82:Muunsood qac ka siisoo.

83:Qunyar bay hadalkii .

84:Dhan kaleeto u qaaday .

85:Addoo qaabkan u yaal .

86:Qaba Virus Qollaysi .

87:Soomaalidaa kala qaado.

88:Qaybinaaya dadkaagoo.

89:Quursi qayb ulla taagan .

90:Qalbigaagu Jacaylka.

91:Miyuu qaadi karaa .

92:Madigaaba Qushuuca .

93:Sida qaatil dad laayey .

94:Misna qaarna qafaashoo .

95:Qaloociisa tusaaya .

96:Saw digaagan Qamiidsan .

97:Ka soo qaad is qabkeeniyo .

98:Innagoo qaadiga aadnay.

99:Sida qaabku ahaaday  .

100:Qarniyaal hore taalee .

101:Odayaal laba qayd lihi.

102:Qotonsheen qaab xumadaa.

103:Qaydin laygu  qawaarshiyo .

104:Kolkaan qaado Caruurta .

105:Haddii aad qadan keeni .

106:Inta aad qac tiraahdo .

107:Qayb xun aad ku tilmaantoo

108:Samayskii quwadlaa iyo .

109:Qadar aad ka qaloowdoo .

110:Qaati goortan istaagana .

111:Dal qadayday aan qaato.

112:Qahar baan  u arkayoo .

113:Isma qaadi karaynoo .

114:Annigu miihi Qoftaadi .

115:Qaarshe oo Carro qaaday .

116:Qaracan jooga markaan .

117:Waysigaa is qanaacshay.

118:Tani waaba qab wayn .

119:Naa qashiin layguma sheego.

120:Walaahidaan ku qaraaci.

 

121:Walaahidaan ku qaraaci .

122:Malaa waa qac midkaani .

123:An qaynuunka aqoon .

124:Qaarshoow Gacan qaadku.

125:Waa qasaaro halkaane .

126:Innuu Boolis ku qaadiyo .

127:Ibrad aad ku qaboowdoo.

128:Qaafil aad noqotaayoo

129:Qashinka aad gurbisaa iyo

130:Haysla doonan is qool .

 

 

131:Taladaan iga qaado .

132:Qaari baan ahay fiican.

133:Quraankaan aqriyaa.

134:Qormooyinkaan ka helaa.

135:Qiiradaan Badal qaasrhe .

136:Annoo Qaabka fahmaaya .

137:Qibrad wayna ka haysata .

138:Quwiile saas kuma yeeline

139:Qallaaligaag u baxdoo .

140:Abbabkaa qaldanaaday

141:Abbahaa ma qadeeyiyo .

142:Hoyaadaa quti  baa .

143:Qabyaaladdaas ku barey.

144:Waadse qaadan kartaa.

145:Anba qaabkan aad dooray.

146:Goobti qayladu taaliyo

147:Qaxwayntii Iska daaya .

148:Soomaalida ka qarsooma .

149:La jaan qaad ummaadaan.

150:Haka qaadan intay .

151:Qabin diinta Islaamku .

152:Taada uun ku qunoow.

153:Dabcigii qaribnaayee.

154:Qoonsimaadka lahaa iyo

155:Qurunkay qasayaan .

156:Qalbadaada ka saar.

157:Hubaal waad qumanaanoo

158:Qof ka laadna ahaan.

159:Inta uu is qumaaxshay .

160:Qaarshe wayska qamaamay

161:Qacleey waysaga aadday .

162:Halki Qiiqa Badnay iyo .

162:Barti qayladdu taalay .

163:Dhagahaagu qabtaan.

164:Markaan ii qabo haadka .

165:Qulaan baan dagay goortan .

166:Intaad Suulka ku qaado .

167:Mar qura aad qac ka siiso .

168:Qodhibi doohna ku qaad.

169:Ka qalay Har shiish  .

170:Sidaan taadu u qoolmin .

171:Qamsiin aysan qormaysan .

 

172:Qubanii ma dhagaysane  .

173:Fii oo ay qabadsiiyoo

174:War qabadkoodi bal daar.

 

175:Halki qaybta Afkeena .

176:Waanigoo qaabilsan Goortan.

177:Qarax Baa dhacay Saakay

178:Kalfadhigi Maanta qabsoomay .

179:Mooshin baa lagu qaybshay.

180:Tuuladdi quracleey ee .

181:Bankii qaydar agtiisa .

182:Laba qollaysku dagaashay .

183:Tolwaynii Qaalma dareershe

184:Dawladday qadaceenoo .

185:Qaraar baa lagu sheegay .

186:Doon baa quustay Bad wayn.

187:Qaxooti baa ku dhamaaday .

188:Wiilki qaasim ahaa iyo .

189:Gabadhii Qarda jaamac .

190:Yaa Halkaa ku qur beelay

191:Waana Reer Qansax leey .

 

192:Gobolkaa qarar jeeda

193:Abaar baa ka qamxayso .

194:Ubad yaa ku qalfoofoo.

195:Qaramaddaa u gargaaroo

196:Qamadibaa laga qaybshay .

197:Iyo Qaybti Adduunka .

 

198:Bulshadaydan Qaldaansan.

199:Dhaqankaan Qurunkaa .

200:Mar uun yaa ka dul qaata.

 

 

201:Ninki Qaarshe ahaa .

202:Saaxiibkiis qaxiyuu .

203:Qabadsiiyeey warkiisi .

204:Horta waa quruxleey .

205:Mid se aan ka qashaafay .

206:Kolki aan qolladeediyo .

207:Qabiilkeeda Su’aalay .

208:Waygu Qaylisayoo .

209:Qarin bay ka istaagtay .

210:Qashiin bay igu sheegtay .

211:Anse taa kama qaadan .

 

 

212:Qaxiyaa qaatay Markiisa

213:War Qaarshoow i dhagayso.

214:Qabiilkaa laysku gartaayoo.

215:Quraankaa lagu sheegoo.

216:Kol hadday qarin joogto .

217:Waa Tumaal Qurunoo.

218:Waa dadkaydan is qaadan

219:Qaadir baana ku dhaafshay.

 

Lingaxaan ka dhagayso .

https://www.youtube.com/watch?v=wsshFsya_5U&feature=youtu.be

 

Howraarinti Idiris A. Dooxa-joog

Dooxajoog5@gmail.com Facebook: Halkaan Riix  Bog qoraalleed :Idirism

COMMENTS
LINKS