Kuwan Reer Hargeysa Ee Qabyaaladda Ula Kala Safanaya Qandaraas Doonka ah Waar Ilaahiina Ugu Shukri Naqa Nimcooyinkiisa Uu Idinku Manaystay, Muj;Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kuwan Reer Hargeysa Ee Qabyaaladda Ula Kala Safanaya Qandaraas Doonka ah Waar Ilaahiina Ugu Shukri Naqa Nimcooyinkiisa Uu Idinku Manaystay, Muj;Cali Guray
July 26, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Mujaahid Cali Guray Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Biyo Baladhinta Caasimada Hargaysa Ee Uu Mudooyinkii U Danbeeyey Uu Khilaafka Weyni Uu Ka Dhex Taaganaa Waxana Uu Sheegay Cali Guray In Uu Talo Ku Soo Jeedinaayo Hadii Mashaariicdaas Biyaha Si Fiican Loo Maamulo In Hargeysa Ay Biyo Fiican Helayso,

Waxana Uu Yidhi “Biyo La’aanta Hargeysa Waxan Is Leeyahay Xal Waa Loo Hayaa. Dadka U Haraadan Iyo Biyaha Loogu Talogalay In La Soo Gaadhsiiyaa Way Isu Baahan Yihiin, Laakiin In Ay Is Helaan Ayaa Ka Muhiimsan Wax Kasta Oo Kale Eh Ma La Isu Dayn Doonaa Mise Sidii Mashruucii Sahanka Shidaalka Ay Qandaraasyadu Ka Muhiimsanaan Doonaan Oo Marka Fooda La Is Wada Daro Ayay Iyaguna Noqon Doonaan Cirka Ka Soo

Leef?.

Labada Mashruuc Ee Biyuhu Hadii Ay Sidii Loogu Talogalay U Hirgalaan Dhibaatada Biyo La’aanta Ee Hargeysa Way Dhamaanaysaa Hadii Alleh Yidhaa Ee Yaa Kuwan Reer Hargeysa Ee Qabyaaladda Ula Kala Safanaya Qandaraas Doonada Yidhaa Ilaahiina Ugu Shukri Naqa Nimcooyinkiisa Uu Idinku Manaystay.

Xukuumadan Musuq U Daa Cadaaladna Ha Uga Fadhiyina Lakiin Ha Laga Raaco Dadkeena Haraadku Hayo Iyo Biyaha Ilaahay Ina Siiyay Inay Is Helaan Wixii Kale Oo Dhanna Yeelkood

Anigu Dan Gaar Ah Kama Lihi Mashaariicda Biyaha Hargeysa Keliya Waxa Ii Daran In Dadkayga Oomani Biyo Helaan.

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

C/Raxmaan

 

COMMENTS
LINKS