|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaaf Ka Culus Kii Maamulka Dhulka Danta Guud Ah Oo Ka Dhex Qarxay Maayarka Caasimada Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud
July 16, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(HNA)Khilaaf culus oo sababi kara in ay meesha ka baxdo awoodii wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeyntu ku lahayd Nidaamka Maamul ee Guryaha iyo Dhulka Dawladda ayaa ka dhex qarxay mar kale Maayarka Caasaimada Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid iyo Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud C/risaaq Khaliif. Khilaafka ka dhex Aloosan labadan masuul ayaa ka dhashay Guri ay Dawaladdu leedahay oo uu dhisanayo wasiirkii Caafimaadka ee ugu danbeeyey ee Xilligii Rayaale Cabdi Haybe, kaasoo Guriga uu dhisanayo uu sharci u siiyey Maayarka Caasimaddu balse wasiirka Hawlaha Guud ka hor istaagay isagoo ku dooday inaya wasaaraddiisu xaq u leedahay Maamulka Guryaha Dawladda iyo dhulka Banaan ee shacabka. Khilaafka labadan masuul ayaa la sheegay inay Madaxtooyadda Somaliland soo faraglisay, isla markaana amar ay ku taageerayso Maayarka ku riday Wasiir C/risaaq Khaliif, kaasoo la sheegay in uu si weyn uga cadhooday isla markaana iyada oo aan xal laga gaadhin Madaxweyne Siilaanyo ka dhoofay. Inkasta oo aanay warbaahintu helin qoraalka Madaxweyne Siilaanyo u qoray Wasiirka ee uu ku amrayo in uu fuliyo go’aanka Maayarka, hadana sida ay Ilo wareedyo muhiim ahi u sheegeen waxa uu qoraalkaasi xambaarsanaa erayo niyad jab ku abuuray wasiirka oo daliishanaya sharciyada wasaaradda uu Masuulka ka yahay Qaranka u hayso. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Maayarka ayaa hore isugu khilaafay Maamulista Dhulka Danata Guud ah ee laga jaro Beeraha ay Naqshada Caasimaddu gaadhay, kuwaas oo ay Dawladda Hoose ee Hargeysi sida ay doonto ugu tagrifasho, iyadoo u danaynin qorshaha Danta Guud ah ee ay beerahaas ka jarto oo ahayd in Bulshada loogu qabto adeegyada ay u baahan yihiin. Muranka awoodeed ee maamulista Dhulka Danta Guud oo ay wasiirka iyo Maayarku warabaahinta isku weydaarsadeen weedho ku kulul oo midba ku sheeganayo in uu isagu awood u leeyahay ayaa iska shiiqay oo aanay Xukuumaddu wax go’aan ah ka soo saarin, wallow Farriinnews.com xogo rasmi ah ku heshay inay wakhtigaas Madaxtooyaddu sida dhacdadan taagan oo kale garabka u saartaya Maayarka oo ay siisay awooda ku tagrifalka dhulka Danata Guud ah, kaasoo uu wali u maamulo sida uu doono. Khilaafka ka dhex taagan imika Maayarka, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Madaxtooyaddu waa mid aan soo shaac bixin oo huursan, hase yeeshee sida muuqata haddii aan sharciyada loo eegin waxa uu noqon doonaa nidaamka Maamul ee Guryaha iyo dhulka Dawladdu mid faraha ka baxa oo ku dhaca gacmaha kooxo ku danaysta. Khilaafkan ayaa ku soo hagaagaya xilli wasaaradda hawlaha Guud iyo Guddi Madaxweyne Siilaanyo u saaray Iibka Guryaha Dawladdu ay ku guda jiraan Xaraashka dhawr iyo tobankii guri ee ugu horeeyey, kuwaas oo uu Mugdi ku jiro danta loo xaraashayo. wajaalenews.net hargeisa/office xigasho waaheen
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|