JAAMACADDA CULUUMTA BADDA EE BERBERA WAA JAAMACADD QARRAN EE MAAHA MID XISBI | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
JAAMACADDA CULUUMTA BADDA EE BERBERA WAA JAAMACADD QARRAN EE MAAHA MID XISBI
July 9, 2014 - Written by Editor:

Qoraalkey maaha mid cid gaara aan ula jeed maaha naxli iyo xummaan mid abuuraya ee waa mid naruurada nasteexada iyo horumarka u ah tacliinta sarre ee gobolka saaxil qoraal ahaan uun uma taageersani horumarinta tacliinta sare ee berbera ee waa mid aan wakhti nolosheyda kamida u horey oo aan kaga shaqeeyey jaamacad ku taala berbera.

waxaanan ahay ninkii ugu horeeyey ee arday berbera jaamacadd ku dhameeya u saxeexay Transcript -ga ardayga maadaama oo aan ahaa academic and students affairs waana guul aa nasiib u yeeshay ilaahay uga mahad naqayo.

Intaa ka dib waxaan u guddo galayaa dulucda ama u jeedada qoraalkeyga kaasi oo ku saabsan jaamacadda qarranka ee culuumta badda ee berbera. jaamacadda baddu waxay soo martey marxalado badda oo kala danbeeyey wixii hore yaanan kugu daaline kasoo bilow dhamaadkii 2012 oo jaamacaddu gacanta u soo gashey maamulka gobolka saaxil oo markaa hogaaminayey halyeyga reer saaxil mudane maxamud cali suleiman Ramaax oo markaa badhasaabka ahaa gobolka.

waxaa jaamacadda laga bilaabey duruustii waxaan la duwaangaliyey ilaa 71 ardey oo markaa dugsiga sare soo dhammeystey

Jaamacadda waxaa ilo dhaqaale oo kaabis ah looga sameeyey

 

Haamaha keydka shidaalka

Dowlada hoose ee berbera

Dekedda berbera

sadexdaa meelood ba waxay siiyaan dhaqaale joogto ah bil kasta intaa waxaa dheer in ardayda laga Fee $30 bishii arday kasta goobta wax lagu baranayo waa meel ay jaamacaddu lee dahay.

Waxaas oo nimco iyo dhaqaale ah iyaddoo jaamacaddu ay hesho ayaa haddana waxaa ka muuqata horumar la,aan wey iyo dib u dhac taasi waxaa kuu cadeyneysa ardaydii lagu bilaabey ee ahaa ilaa 71 arday intoodii badney wey isaga tageen iyagoo ka niyad jabey horumar la,aanta kuna wareerey mugdina ka galey Mustaqbalkooda.

iyadoo waxaas oodhibaato ahi jirto ayaan haddana la garaneyn strategic plan ka jaamacadda waxaaney dhaafi laadahay tiro kooban oo waliba ardaydii berbera oo kaliya ah gobaladii kalena malaha miyir iyo maan ay ku soo xero galiso ardaydana ku maamusho.

intaaba waxaa sii dheer markii intii yareyd ee ku hadhey jaamacadduna ay ku biireen xisbiga waddani mee maamulkii ardeyda hagayey mise iyagaaba ka dabeeya inay ardaydu waxaas ku hadlaan.

waxaa soo if baxaya xidhiidhkii hoose ama qarsoodiga ahaa ee ka dhexeeyey maamulka jaamacadda badda iyo xildhibaanka wadani ee maamula jaamacadda gollis berbera taasi waa ta hal mar ay labada jaamacadood ardaydoodu ugu biireen xisbiga waddani

 

ARRIN XUMO COL IYO ABAAR KA DARAN

 

ENG maxamed cabdiraxmaan habane

COMMENTS
LINKS