Itoobiya oo dhisaysa Waddooyin isku xidhaya waddamo ku yaalla Bariga Afrika oo ay kamid tahay Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo dhisaysa Waddooyin isku xidhaya waddamo ku yaalla Bariga Afrika oo ay kamid tahay Somaliland
July 29, 2014 - Written by Editor:

Adis-baba(Wajaalenews) — Dowladda Itoobiya ayaa qorshaynaysa dhismaha wadooyin muhiim ah oo ku xiri doona dalalka dariska la ah oo ay ku jiraan Sudan, Koonfurta Sudan, Kenya, Somaliland/somaliya iyo waliba Jabuuti, iyadoo la diyaariyay dhamaan qarashaadkii ku bixi lahaa.

Arintan dhismaha wadooyinka oo dalka itoobiya oo ay bixinayaan midowga afrika iyo eu da ayaa Waxa qayb ka ah barbera cooridor taasi oo isku xidhi doonta somaliland iyo etobiya qaybwayna ka qaadan doonta ganacsiga somaliland iyo xidhiidhka labada bulsho

Masuul u hadlay hay’adda waddooyinka dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Wondimu ayaa sheegay in qorshahan ay ku baxayso lacag dhan $610.6 million oo qayb ka mid ah ay bixin doonaan dowaldaha deeqaha bixiya.

WADOOYINKA ITOOBIYA

Waddooyinkan oo 2000–KM gaaraya ayaa lagu wadaa in ay dowr muhiim ah ka qaataan kor u kaca dhaqaale ee Itoobiya iyo is dhax-galka dhaqamada wadamada dariska la ah ,waana mashruucii ugu weynaa oo ka hirgali doona dalalka ku yaalla bariga Afrika.

Mid ka mid ah waddooyinkan oo lagu magacaabo Assosa-Kumruk ayaa isku xiri doonta dalka Suudaan iyo Itoobiya ,waxaana ay labada dhinac u sahli doontaa in ay dhaqaaqyo ganacsi oo madax bananaan sameeyaan sida lagu xusay war ka soo baxay ERA.

“Waxay naga caawinaysaa in dallaga ka soo go’a Itoobiya aan u dhoofino Suudaan ,innagana aan soo dhoofsonno shidaalka iyo maciishadaha kale ee daruuriga ah,” ayuu yiri Wondimu oo qorshahan ku tilmaamay arin muhiim ah.

“Horay waxaan u dhisnay jidka Gambella-Etang-Jikawo oo dhan 122-km oo isku xiraysa dalkeena iyo South Sudan , waana arin kor u qaadaysa maal-gashiyada iyo il-baxnimada dhaqaale ee labada wadan”ayuu hadalkiis ku daray masuulkan.

Ugu dambayn, waxaa hadda dhismaheeda uu socdaa waddo isku xiraysa magaalooyinka; Mombasa, Nairobi iyo Addis Ababa, waxaana dowladda Itoobiya ay uga faa’iidaysanaysaa horumarinta dhaqaalahooda oo korayay sanadihii la soo dhaafay

 

WAJAALENEWS DESK

 

XIGASHO WAKAALADA; ERA-

COMMENTS
LINKS