Israel Oo Diyaarado ku Weerartay Marinka Qaza | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Israel Oo Diyaarado ku Weerartay Marinka Qaza
July 1, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Israel ayaa qaaday in kabadan 30 weerar oo diyaarado ay u adeegsatay kuwaas oo ay ka fulisay dhulka ay maamulaan kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ee Marinka Qaza.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in weerarada lala eegtay xarumaha Xamaas ee Marinka Qaza, iyo kooxda Islamic Jihad.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in weerarka uu jawaab u yahay gantaallo ay sheegeen in dhaqdhaqaaqa Xamaas ay ku weerareen koofurta dhulka Israel.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Qaza ayaa sheegay in Xamaas ay beenisay weerarka gantaalada inay qaaday.

Dhanka kale, Ciidamada ammaanka Israel ayaa helay laba mayd oo ah caruur toban-jiro ah, kuwaas oo laga waayay deegaanka la haysto ee Daanta Galbeed horraantii bishan.

Afhayeen h hadlay Militariga ayaa sheegay in maydadka ay ku hoos jireen goob dhagaxaan ay yaaleen oo ku dhow daanta galbeed.

Ciidamo ayaa lagu daad gureeyay xaafad ay degan yihiin dad Falastiiniyiinta ah oo lagu magacaabo Xalxuul.

Kullan degdeg ah oo ay yeesheen wasiirada Israel, iyo Ra’iisul wasaarahooda, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in caruurtan ay afduubteen oo dagaal qabow ah u dileen waxa uu ku tilmaamay xaayawaaniin.

 

Waxa uuna ku eedeeyay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, wuxuuna ballan qaaday inuu ka aarsanaayo.

 

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa eedaasi iska fogeyay. Afhayen u hadlay kooxda oo lagu magacaabo — Sami Abu Zuhri – ayaa sheegay, haddii Israel ay weerar ku qaado marinka Qaza, oo ah meesha ay maamulaan, inay furi doonto albaabada Naarta.

Cabdallah Cabdallah oo ah lataliyaha xafiiska Madaxweyne Maxamud Cabbas ee maamulka ay hogaaminayaan dhaqdhaqaaqa Fatax ayaa sheegay inay ku xunyihiin dilalkaa

COMMENTS
LINKS