Israa’il Oo Weeraro Dhulka Iyo Cirka Ku Qaaday Shacabka Qaza Xili Ay Weerarada Cirka Ay Ku Dishay 230 Qof Oo Caruuri Kujirto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Israa’il Oo Weeraro Dhulka Iyo Cirka Ku Qaaday Shacabka Qaza Xili Ay Weerarada Cirka Ay Ku Dishay 230 Qof Oo Caruuri Kujirto.
July 18, 2014 - Written by Wariye:

israailQaramada Midoobey oo hadashay waxa ay sheegtey in duqeymaha Israa’iil ay ku burbureen 1,370 guri, 18,000 qofna ay ku barakaceen.

Ciidamada qalabka sida ee Israa’iil ayaa sheegey in ay bilaabeen duulaan dhulka ah oo ka dhan ah magaalada Gaza ee Falastiin.

Waxay sheegeen in ay uga jawaabayaan gantaalada Hamas ku ridayso Israa’iil.

Duulaankani ayaa imanaya xili Khamiistii muddo shan saacadood ah ay socotay xabad joojin lagu sheegay in ay tahay mid loogu tala galay in lagu fududeeyo ”Gargaarka bani’aadanimo”, balse Israa’iil ayaa ka dib bilawday duqeymihii.

Israa’iil waxa ay sheegtey in ay qaaday 1,960 oo weerar xagga cirka ah, halka Ururka Hamas uu gamay 1,380 gantaal tan iyo intii ay xiisadani bilaabatay 8-dii bishan Jully.

Qaramada Midoobey oo hadashay waxa ay sheegtey in duqeymaha Israa’iil ay ku burbureen 1,370  guri, 18,000 qofna ay ku barakaceen.

Illaa iyo hadda waxaa

duqeymaha Israa’iil ku dhintey 230 qof oo reer Falastiin ah, kuwaasi oo badankood ahaa dad rayid ah. Sida ay tabisey wakaalada wararka Falastiin ee Maan, waxaa hadda socda duqeymo xagga cirka, dhulka iyo waliba badda.

Saxaafadda Israa’iil waxa ay sheegtey in ujeedka duulaanka uu yahay in lagu burburiyo godad suurogal ay tahay in ay ka dusaan dagaalyahanada Xamaas iyagoo u talaabaya dhanka Israa’iil.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS