|
|||||
WAJAALE NEWS
Ismalaha Xilalka Aad Isku Magacawdeen Iyo Hadalada Aan Difaaca U noqon Karayn Xukuumada
July 21, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Waxa isu kay qaban waayay itoobiya iyo jabuti oo taariikhda markii ugu horaysay xuduudaha inaga xidhay iyo turkiga ayaanu guul kasoo hoynayriyo dawladihii dunida ayaanu aqbalsiinay in somaliland iyo somaliya ay iyaga oo laba dawladooda ah ay wada hadlaan waayahay. waanu ogayn siyaasad xumadiina markii aad diideen shirkii london ood miiska hadana la fadhiisateen hadhaagii taliskii maato layska ahaa ee siyaad bare idinko iska reebay masuuliyiin xaq u lahaa inay goob joog ka ahaadaan balse waataa waxaad la dhuuumanayseen lawada arkay .hadaba turki iyo istaanbuul maxaynu kafaaiidnay? maxayse kayaqaanaaan s/land? shirkii london ee hore guul buu ahaa waayo waa dalkii mudo sideetan sano ah ina xukumayay oo si fiican uga warhaya waana dawlad guuna oo saamayn dunida kuleh. waa dawladii samaysay xuduudka dhulka .bada iyo hawadeena Somaliland na u bixiyay smaliland british protectoreyt, iyagoo talyaaniga gumaystay koonfurta somaliya . Hadaba waxa aad ula yaabay habeenada rag xildhibaano ah oo amaan aad u xadhaafa tv yada la taagan habeen iyo maalin taasi oo aan u arko barmaamij waji ku macaasha taasi oo ay si baalmarsan sharciyada wadanka u aflagadeeyaan xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan xisbiga wadani oo ay dadwaynaha reer s/land markay arkeen tayada iyo caqliyada hufan ee ay ku maamulaan xisbigooda hogaankoodu iyo horumarkiisa,ka xumaaday halkii ay kaga dayan lahayeen, hadaba waxaan layaabay raga inagoo kujirna tobankii danbe ee bisha barakaysan ka xishoon waayay aflagaado iyo cay aad isku qaadaysaan muuqbaahiyaha codbaahiyahana aad ka dhigateen gola kafuul iyada oo erayada aad isticmaashaan aydaan maskaxda soo marin Horta ma istaqaanaan xageed taariikhda kaga jirtaan marka laga reebo xilalkan aad musharka ku qaadataan kaa soo ka yimaada dhamaan bulshada dalka oo ay kamid yihiin taageerayaasha xisbiyada aad waxan jirin iska odhanaysaan. tamardaro waataa istaanbuul ku gaysay waataa hawadeenii cidii aan dalkan ka xoreeyay ay u shaqaynayso maanta ma waxa idinka nixiyay aqoonyahanka runta ummada u sheegaya iyo khalaadka aad samaynaysaan ,ururada haweenka ururada dhalinyarada aayahooga katashanaya ee fikirkoodii iyo caqligoodii ula baydhay xisbiga wadani oo ay u arkeen mid ummadan mustaqbalkooda ka fikiraya . Hadaan usoo noqdo xisbiga wadani tayadiisa wanaagiisaba waxa markhaati ka ah inay korodhka iyo Taageerada ururada bulshadu iskood iyagoo xora koox koox uimanayaan gude iyo dibadba waxan leeyahay xukuumada sii socotaa saxaafada ayay lacolowdaa ciidan aan shicibka loogu tala galin ayay saq dhexe argagax ku ridaa iyadoo aan umarin sifo sharciya
.waxaan xildhibaanada wajikumacaashka raadinaya ama xaqal iidka waxaan leeyahay (Mabda’ayagu Waa Isagoon mugdiyo madmadow ku jirin maanta iyo beriba malafsade hadhaco xalaal maal hajiro ha mudh baxo caqligu) Ogsoonow mooge wadooyinkan aad faanka ka dhigateen waxa iska ururiyay dadwaynaha reer s/land nabada waxa ilaashada shicibka daarahan dhaadheer waxa iska dhistay muwaadiniinta reer soomaaliland .waxa kasii hadasheen doorashada soo socota halkeed ka xadhig maleegi doontaan baaxada codbixiyaayasha makootada aad tirokoobka ku qaadateen ma meelaha lamagacaabay dhicimayso ee dood baan ka qabnaa xaq dastuuriyana waanu u leenahay oo dikteer siyaad baraanu ka diidnay. khayrqabayaashan da’dan waji kumacaashka bilaabayana waxan odhan lahaa ka faaiidaysta salaada taanjadka iyo laylatu qadriga.
Eng;daauud Abiib AxmedAfhayeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Gabilay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|