Agaasimaha Cashuuraha Gabiley Oo Maanta Soo Goostay Albaabkii Gurigii Khadra Xaaji Gaydh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Cashuuraha Gabiley Oo Maanta Soo Goostay Albaabkii Gurigii Khadra Xaaji Gaydh
July 20, 2014 - Written by Editor:

Agaasimaha Cashuuraha Gabiley Oo Maanta Soo Goostay Albaabkii Gurigii Khadra Xaaji Gaydhkhadra xaaji geydhGabiley(Wajaale-News) : Agaasimaha waaaxda cashuuraha dawlada hoose ee gabiley Cabdi Cali Cilmi ayaa maanta albaabkii ka soo furtay gurigiii maayarkii hore ee gabiley khadra xaaji gaydh isagoo sheegay in lagu leeyahay sideed sano oo cashuur ah. ma jirto decuments cadaynaya in 8 sano lagu leeyahay gurigaasi oo agaasimuhu soo bandhigay hasa ahaatee arintan ayaa dhalisay khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay agaasimaha cashuuraha cabdi cali iyo xoghayaha fulinta dawlada hoose ee gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor waxaana sida ay sheegayaaan dad goob joog ahaa maanta uu dagaal afka ahi ku dhex maray labada masuul xafiiska waaxda dhulka ee dawlada hoose ee gabiley.
arintan ayaa ahayd mid uu agaasimuhu ku xumaynayay xoghayaha fulinta dawlada hoose ee gabiley cabdiraxmaan nuur abokor oo isaga ay xidhiidh dhaw leeyihiin marwo khadra xaaji gaydh.
agaasimaha cashuuraha dawlada hoose ee gabiley cabdi cali ayaa isagu khabiir ku ah mu,aamaraadka iyo musuqmaasuqa isla markaana hore u lunsadey hanti badan oo xabsiga loogu taxaabay wakhtigii dawladii udub ee madaxweyne daahir rayaale kaahin wadanka ka talinaysay .isagoo xukun maxkamadeed ku dhacayna mudo dhaw uu xilkaasi u magacaabay maayarka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu cabdi cali mudadan gaaban ee uu xilkan agaasimaha cashuuraha uu hayay isagu uu sabababay tiraba dhawr jeer khilaaf soo noqnoqdey oo dhex maray maayarka iyo xoghayaha gabiley .
Ma jiraan warar rasmi ah oo maamulka iyo labadan masuulba ay ka soo saareen arintan.hasa ahaatee sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ihi albaabkii guriga waa lagu celiyay kadib wada xaajood dambe oo ay yeesheen labada masuul. wararku may cadayn in agaasime cabdi cali raali-galin ka bixiyay sharafta iyo meel ka dhaca uu ula badheedhay maayarkii hore marwo Khadra Xaaji Geydh
mu aamaraadka iyo mixnada agaasime cabdi cali ayaan ku koobnayn maayarka iyo xoghayaha balse waxuu cabdi cali cadceedii timaadaba tacadi joogta ah ku hayaa shaqaale hoosaadka iyo cashuur ururiyaasha dawlada hoose lamana garanayo sababta madaxda dawlada hoose ee Gabiley u dugsanayaan shaqsigan mixnada la dhexwareegaya dawlada hoose ee gabiley .
Sikastaba ha ahaatee arintan ayaan ahayn cashuur uruurin iyo dan guud balse waxay daaha ka rogaysaa hirdanka xulafada isku haysata maamulka gabiley waxaase la iswaydiinayaa cidan dhabarka taabatay ee agaasime cabdi cali u adeego iyo halka uu ka wato awoodan uu cid walba ku jiidhayo maxaa yeelay xataa maayarkii soo magacaabay ayuu mijo-xaabin ku waday mudadii uu safarka ugu maqnaa maayarku qaarada yurub

COMMENTS
LINKS