Himilada Nolosha Iyo Aragtida Culimada Cilmiga Bulshada ,Fikradii: Nimco Faisal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Himilada Nolosha Iyo Aragtida Culimada Cilmiga Bulshada ,Fikradii: Nimco Faisal
July 28, 2014 - Written by Wariye:

Himilada Nolosha Culimada Cilmiga Bulshadu Waxay Ogaadeen Inay Dhibaatada Ugu Weyn Bulshooyinka Caalamka Haysta Ee Shakhsi Kasta Noloshiisa Xumeeyaa Ay Tahay Laba Arimood Midkood

1. Qofka marka uu nolosha dunida uu indhaha ka qaado ee uu ufiirfirsado kaalinta uu ka gali lahaa nolosha ku wareera ama ka caajisa oo dabadeedna ka hadha ka fakarka iyo kala doorashada qaybaha badan ee waayaha nolosha ugu dambayntana noqda qof kolba mawduuc ku booda oo aan lahayn xirfad gaar ah oo uu ka gun gaadhisteeda joogteeya .

2. Qofka oo marka nolosha dunida ka indho dilaacsado ee u ka fikiro kaalinti uu kaga hagaagi lahaa nolosha iyo ka midho dhalinta shay aad u yar gaadhtiisu yar tahay , isla markaana ah waxyar oo anfac yar marka aad gaadhidh una anfac yar qofka iyo bulshadiisuba u bataan dad himiladay nolosha ka laahayeen yar tahay , hadii shakhsi loo qiimeeyo waxa lagu tilmaama (bulsho dib udhacsan oo wacyigeeda iyo dhaqankeeduba aad u hooseeyo ) habka loo qeexo himilada aadhiigsanayso mustaqbalka waxa jira sadex shurudood oo looga baahan yahay qofka doonayo inuu himilo foghiisado gaadhisteedana ka guun gaadho micnaheedu maaha hadii qaar shuruudahaas ka mid ah aad u fuliso aad gaadhaysid himilada aad rabtay balse dhamaanteed aad fulisa.

1. Himiladu waa inay noqotaa mid la rumayn karo ,yaa rumayn kara ?ama ku qanci kara ?himiladu waa inay noqoto mid qof ahaaneed

2. Kaliya ku qanacsan yahay dunidan oo dhan qofkaas oo adiga ah micnaheedu waa hadii aad ku qanacsanayn adigu himiladaada ma gaadhi kartid iyada balse hadii aad ku qanacsan tahay waad gaadhi kartaa

3. Himiladaadu waa inay ahaato mid qeexan hadii aanay ku qeexnayn waxa aad doonaysid ee ugu waa weyn markaas himilo ma lihid laga yaaba inaad iska jeceshahay uun arin inaad rajaynayso ama inaad dareensan tahay uun sida qofka caadiga ah in waxaasi wanaagsan yahay sida la doonayo inaad u dareensan tahay uun sida caadiga ah himiladaadu waxa weeye intaad tidhaahdid waxaan doonayaa inaan shan sano ka dib dhakhtar noqdo ,pro jaamacada hargeisa wax ka dhiga noqo I.W.M markaas uun baad noqon kartaa inuu hawl galo dadaal badan ka bixiya gaadhis la aamina Waxa himilada kuu ah waa inaad u caashaqsan tahay run ahaanti aad udoonaysid waa muhiim inaad inaad jeceshahay waxa aad u hawl galaysid inaadmustaqbalkaaga fog aad doonaysid arin aad iyo aad u jeceshahay asal ahaan maxaa yeelay waxa aad jeceshahay xili kasta inaad ku riyootaa oo adoo aan hurdin ee soo jeedaa waqti kastana waad ku howlaan karaysaa waxaad jeceshahay .

Diinteena islaamkuna waxay tidhaahda qofku wuxuu la meeqam yahay wuxuu jecel yahay “himiladaadu waa inay maskaxdaada ku sawiran tahay waxa aad doonaysid ee aad jeceshahay waa inaad in badan ka fakartaa adoo soconaya ,adoo jiifa ,adoo fadhiya ,adoo sheekaynaya marka aad mudo badan siyaabo kala duwan uga fekertid ayuu marka dambe kuu sawirmayaa maskaxdaada ,cilmi dheeriyaana waad heli doontaa marka aad in badan ka fekerto waxa himiladaada kuu ah , cilmigaas oo si tartiib ah maskaxdaada u rumaysan doonto ,marka dambena arki doonto adiga oo gaadhistaada himiladada aad iyo aad kugu amaan qaldo ama kulana sahlan tahay .

Waa Fikradii: Nimco Faisal Ali Sheekh

COMMENTS
LINKS