Hibiyo Quruxdii Hablaha Geeska Africa {Maanso}. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hibiyo Quruxdii Hablaha Geeska Africa {Maanso}.
July 10, 2014 - Written by Wariye:
  • ugu horayn waxaan salaamayaa dhamaan hawl wadeenada saxaafada madaxa banana gaar ahaan xubnaha fir fircoon ee shebkeda Wajaalenews.net
    ugu horayn  waxaan salaamayaa dhamaan hawl wadeenada saxaafada madaxa banana gaar ahaan  xubnaha fir fircoon ee shebkeda hadhwanaagnews waxaan kaloo salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meelayjoogaanba aduunka
    intaa kadib waxaan idiin soo bandhigayaa laba tuduc  oo aan u
    hibeeyay  gabadh kamida  gabdhaha sharafkiyo karaamada badan marwo ayaan  cali maxed  { b }  waatan

    Hablaha geeska afrikee
    hargeysiyo reer burcee
    hagoogtiyo muuqa wacan
    hibaa alla siiyayoo
    hormoodkii dunida iyo
    haldoor dumar weeye oo
    hanaankoodiyo wanaagu
    hidihii dhaxalkii awoowiyo
    higaada midii bartiyo
    hooyaa ku canqarisayoo
    heegiyo waa muuq saree
    heemaalkoodiyo hubqaadka

    haldhaa bilicdiisa iyo
    habkii daa,uuska socodka
    hash weeye talabo wacanoo
    hubaal waan sahamiyoo
    heestiyo luuqdaydan wacan
    anaa hadiyad ugu diroo
    hablii weeyaan ayaan
    horweyn laga bixin jeree

    hogaanka ninkii qabtee
    inuu heenseeyo iyo
    inuu halabsado raboow
    hadeerba anaa huboo
    haldhaa kaa yeeli maysee
    heeryada hakusaarin qodax.

    khadar siciid <khadar_siciid_6@hotmail.com

COMMENTS
LINKS