Hayada Maxaliga Ah Ee IRADA Oo Tababar Dhinaca Tacadiyada Jinsiga Ah U Qabatay Macalimiinta D/Dhexe Ee Boorama. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hayada Maxaliga Ah Ee IRADA Oo Tababar Dhinaca Tacadiyada Jinsiga Ah U Qabatay Macalimiinta D/Dhexe Ee Boorama.
July 8, 2014 - Written by Wariye:

boorama iradoBoorama(Wajaale News):-Hayada maxaliga ah ee IRADA ee fadhigeedu yahay Hargaysa waxa ay dhibta bulsho ee salka ku haysa Gaboodfalada dhinaca jinsigaah ugu dhaadhacday si qoto dheer, waxana ay markan isku keentay 70 macalin oo ah kuwa wax ka dhiga dugsiyada dhexe ee Boorama.

 

Macalimiintan ayaa 35kiiba waxa ay 3 maalmood oo xidhiidh ah qaadan doonaan tababarku aadan dhinaca tacadiyada ka dhanka ah jinsiga, waxana tababarkan furitaankiisii ka soo qayb galay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal iyo Gudoomiye ku xigeenka Waxbarashada ee gobolka Awdal.

 

Md. Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim oo ka hadlay furitaankii kulankan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay ahmiyada tababarkan waxana uu yidhi “Dulucdiisu waxa ay tahay inaan wax ka ogaano oo aan macalimiinta ku

baraarujino tacadiyada jinsiga ku salaysan, ha noqdaan kuwo loo gaysto wiilasha, ama kuwo loo gaysto gabdhaha, sababta aan u dooranay macalimiinta ayaa waxa ay tahay in aan ogsoonahay in macalimiintu ay maanta ababinayaan jiilkii bari qaan gaadhka noqon  lahaa, waxana lagama maarmaan ah in ay ogoodaan tacadiyada jinsiga ku salaysan ee ka dhaca dugsiyada, kuwaas oo gaf ku ah ardayga maanta wax baranaya, tacadiyadan ayaa waxa ay yihiin kuwo loo baahan yahay in laga wacyi galiyo ardayda”

 

Isaga oo hadlka sii wata ayaa waxa uu yidhi Md. Cabdirisaaq “Mudada aan wada joogno waxa aan wax ka baran doonaa, arimaha bulsho, dhaqan iyo dhaqaale ee sababa tacadiyada jinsiga ku salaysan ee ardayda ay macalimiintu u gaysato, ama ay iyaguba isku gaystaan, waxa aan daahfuri doonaa saamaynta ay tacadiyadaasi ku yeeshaan waxbarshada ardayga iyo kaalinta looga baahan yahay macalinka eek u aadan sidii xididada loogu siibi lahaa tacadiyadaasi”

 

Gudoomiye ku xigeenka Waxbarashada Ee Gobolka Awdal Md. Aadan Faarax Maxamuud ayaa ka hadlay halkaasi waxana uu yidhi “Macalimiinta waxa loo doortay waxa ay tahay in la dareensan yahay ahmiyada uu leeyahay tababarkani, waxa loo baahan yahay inaad ka faaiidaysataan, oo aad waxa aad barateen u gudbisaan dugsiyadii aad ka timaadeen”

 

Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa hayada IRADA uga mahadnaqay tababarkan ahmiyada gaarka ah leh ee ay qabteen, waxana uu kula dardaarmay in tababarada noocan oo kale ah loo badiyo dhinaca gabdhaha “Qofka gabadh wax baraa waxa uu wax baray bulsho, halka qofka wiil wax baraa uu qof kaliya wax baray” waa midaas mida aan u leeyahay tababaradan bulshada lagu badbaadinayo ee dhinaca cidhibtirka Tacadiyada Jinsiga Ku Salaysan waxa ay noqon karaan mid meel mar ah hadii gabdhaha wacyigooda sare loo qaado”

 

Tababarkan ayaa waxa maalgalisay hayada UNFPA, halka ay fulintiisa leedahay hayada IRADA, waxana suura galiyay inuu qabsoomo wada shaqayn balaadhan oo dhex martay hayadahan iyo Wasaaradaha Waxbarshada iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Gobolka Awdal.

Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS