Guddida Joogta ee Golaha Guurtida oo Warbaahinta ka Codsaday in ay Joojiyaan Wararka Salka ku haya Beelaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Joogta ee Golaha Guurtida oo Warbaahinta ka Codsaday in ay Joojiyaan Wararka Salka ku haya Beelaha.
July 15, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Kulan Maanta ku dhex maray Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida iyo Warbaahinta kala Duwan ee ka Hawlgasha Dalka ayaa lagaga hadlay sidii warbaahintu joojin lahayd wararka ku saleysan Beelaha ee ay warbaahintu Fidiso.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Joogtada Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo kulankaasi ujeedadiisa faahfaahiyey ayaa tilmaamay in uu salka ku hayo sidii warbaahinta iyo Golaha Guurtidu iskaga kaashan lahaayeen joojinta Wararka qaranka Khalkhalka galin kara ee waxa u dhimaya Nabadgelyada waddanka, waxanu sheegay in bulshadu cabasho weyn ka muujisay wararka beelaha ee warbaahinta laga siidayo, ee la yidhado Beel Hebaalyo ayaa hadashay ama Qof shakhsi ah oo dan lihi uu magac dhan oo Beel kaligii ku hadlayo si uu dantiisa u gaadho, waxanu Tilmaamay in arrintaasi qaranka iyo wadda jirka shacabka Somaliland aanay u wanaagsanayn.

Xildhibaan Cabdiraxman Axmed iyo Xildhibaan Cali Aadan Qalinle oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Ninka siyaasiga ee Beel magaceed sheeganaya in aanay warbaahintu waxba ka duubin, waxa kale oo ay hoosta ka xariiqeen in loo bahan yahay in warbaahintu go’aan cad ka yeelato arrimaha noocasi ah.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxman waxayna sheegen in muhiimada kulankani yahay sidii loo joojin lahaa Dhaqanka Cusub ee dalka ku soo kordhay ee ah in qof uu magac qabiil iska sheegto oo wuxu doonana ku hadlo, waxa kale oo ay sheegen in maadama Golaha Guurtidu u xilsaaran yihiin ilaalinta Dhaqanka iyo Diinta iyo Nabadgelyada ay waajib ku tahay in warbaahinta u soo bandhigaan dhibta ay keento arrimahasi.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Warbaahinta oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in arrintaasi ay soo dhaweynayaan tahayna mid caqli gal, iyag aoo sheegay in ay warbaahintu tahay mid dhista dalka ee aanay ahayn mid dumisa Dalka

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS