Germany Oo Dirqi Kaga Adkaatay Xulka Algeria 30-kii Daqiiqo Ee Lagu Daray Ciyaarta; Daawo Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Germany Oo Dirqi Kaga Adkaatay Xulka Algeria 30-kii Daqiiqo Ee Lagu Daray Ciyaarta; Daawo Sawiro
July 1, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Xulka wadanka Germany ayaa dirqi kaga adkaaday Algeria isla markaana boos ka diyaarsaday Rubuc dhamaadka (Quarter Finals) ka koobka aduunka kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen wakhtigii lagu daray ciyaarta xallay.

Andre Schurrle oo qaybtii hore ee 30 kii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta shabaqa dhigay kubad uu soo jabiyey Muller iyo gool uu qaybtii dambe ee wakhtiga dheeraadka ah dhaliyey Mesut Ozil ayaa Germany u horseeday guusha naflacaariga ahayd ee ay kaga dul talaabsadeen Algeria.

In kasta oo Algeria uu gool u soo celiyey Abdelmoumene Djabou, nasiib xumo wuxuu yimid wakhti ay ciyaartu sii dhamaanayso , Goolka Ozil-na ka dambeysay waxaan ka badnayn 2 daqiiqo.

Algeria ayaa ka reebtay Germany koob aduunkii 1982 kii , ciyaartan xallayna waxay noqonaysaa aar gudashadii kulankaas ee Garmelku isaga maydhaan ceebtaas.

Labada xul ayaa isku naf baxay oo isla daalay , goolasha ayaa dhashay wakhti kubadu iska baaxaa degayso oo aanay jirin awood badan oo ciyaaryahanadu ku riixayeen.

Germany ayaa afka uga gashay wareega 8 da , qaranka France oo iyaguna Fiidkii isla habeenkan reebtay xulkii kale ee Afrika ka socday ee Nigeria oo ay ku dhaafeen 2-0.

Germany 2-1 Algeria  e Germany 2-1 Algeria  g Germany 2-1 Algeria  o Germany 2-1 Algeria  oo cidiyaha ku dagaalamaysa Germany 2-1 Algeria  r Germany 2-1 Algeria  s Germany 2-1 Algeria a Germany 2-1 Algeria feagure Germany 2-1 Algeria

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS