Germalka Oo Kubada Cagta Nac-siiyey Xulkii Awooda Badnaan Jiray Ee Brazil Daawo Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Germalka Oo Kubada Cagta Nac-siiyey Xulkii Awooda Badnaan Jiray Ee Brazil Daawo Sawiro
July 8, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Xulka Germalka ayaa dhulka la dhacay oo wacdaro lama filaan ah ku dhigay xulkii wadankiisu marti gallinayay ciyaaraha koobka aduunka ee Brazil, kagana adkaaday 1-7 bilaa naxariis ah.

Brazil ayaa 18 daqiiqo oo kaliya lagaga dhaliyey 4 gool, qaybtii hore ee ciyaartana loo xidhay 5-0 ay ku naaloonayaan xulka Germany.7 gool oo ay kala dhaliyeen , gool Thomas Mueller ah, 1 gool oo uu rikoodh kii Ronaldo ku Jabiyey Miroslav Klose, 2 gool oo Toni Kroos xareeyey, mid uu Sami Khedira shabaqa dhigay , intaas oo qaybtii Hore ka dhashay Brazil ayaa waxa laba gool u raaciyey Andre Schuerrle oo ciyaarta Bedel ku soo gallay , halka Goolka madiga ah uu dhamaadkii ciyaarta Oscar Brazil gool u dhaliyey.

germany 3Brazil-vs-Germany-7Brazil-vs-Germany-Brazil-vs-Germany-oohin-Brazil-vs-Germany-baroor-

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wacdaro aan cidna maskaxdooda ku soo dhicin ayay noqotay qaybtii hore ee ciyaartu , taas oo goolal 5 ah ay si ciyaar ciyaar ah ku dhashadeen Germany , Brazil xulkeedii garoonka ku jiray iyo guud ahaan shacabkeedii daawanayayna baroor iyo ilmo tirasho ka soo hadhay.

Maqnaanshaha dhaawaca Neymar iyo ganaaxa seejiyey ciyaarta difaacyahan Thiago Silva ayaa noqday meelaha ugu badan ee xulka Brazil xallay u dhutinayay , wallow aan loo aanayn karin masiibadan ku habsatay xulkii awooda badnaa ee Brazil.
In kasta oo qaybtii dambe wax ka bedel kooban oo aynu ka xusi karno , saarista weeraryahan Hulk ee lagu bedelay Ramires si weyn wax uga bedeshay qaab ciyaareedkii xulka Brazil hadana taasi ma noqon mid ka hor istaagta goolal saaid ah oo loogu kordhiyo.

Is difaaca iyo isku dayga inay iska soo bedo goolasha shanta ahina waxay noqdeen kuwo aan socon oo uu niyad jabiyo goolwade Nuer oo shabaqa u diiday Brazil ka hor intii aanay 2 gool oo dheeraad ah , ciyaartana mucjisadeedii sii laban laabay ka dhalinin Germany.
7-1 xul wadankiisu marti gallinayo koobka aduunka oo gurigisii waliba caasimadiisii jooga , isla markaana ciyaaraya kulan Semi Final ahi, waxay qof kasta ku noqotay amakaag iyo af kalaqaad.
Xataa Taageerayaashii Germalka ee guusha ku farxi lahaa , ayaa is weydiinayay waxa qabsaday Brazil , la yaabku ma yara ………….waa wareeeeeeey.

Brazil wey ka hadhay koobka aduunka, waxase wax walba ka daran sida foosha xun ee xulkii weynaa , 5 ta koob aduuna haystay , kaga hadhay koobka aduunka ”””” Ceebay Tacaal””””

Shabakada Cadalool waxay samir iyo Iimaan u rajaynaysaa shacabka wadanka Brazil ee ciidan la’aanta Jabay.
Guntii iyo gunaanadkii, dunidii kubada cagta waxa ka dhacay, waxaan loo fadhiyin , Brazilna kubadii cagta waa la nacsiiyey , amaankii Brazilna lama oga sida uu noqon doono ciyaarta kadib

 

COMMENTS
LINKS