GABILEY MA WAXAY NOQOTAY XABAASHII XAABADA QURBAHA?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GABILEY MA WAXAY NOQOTAY XABAASHII XAABADA QURBAHA??
July 24, 2014 - Written by Editor:

mustafe shiine Sida aad wada ogsoon tihiin gobolka gabiley waxuu ka mid ahaa goboladii codka ugu tirada badan siiyay xukuumada kulmiye iyo madaxweyne siilaanyo hadaba iska daa abaal loo celiyee waxaa la yaable in xisbiga kulmiye dib u dhac weyn ku ridey gobolka gabiley oo aanay la qabin gobolada kale. Waxaad la socotaan doorka madaxtooyadu ku leedahay musuqmaasuqa iyo maamul xumada maanta ka jira gobolka gabiley , marka taa laga tago bal u fiirsada intii xukuumada kulmiye jirtay waxaa gobolka gabiley soo maray 6 badhasaab labadii u horeeyay maahee afarta kale waxay ahaayeen qurbe joog intaanan faahfaahina bal aan idiin kala sheego badhasaabadaa: labadii u horeeyay waxay ahayeen: 1.rashiid cumar sheekh 2.axmed cali nuur afartan kale ee qurbe jooga ahina waa; 1. Xuseen cumar maqan 2.cali aw aadan meecaad 3.yuusuf ibraahim geedi 4.mustafe cabdi ciise shiine Bal ayaan darada intaa leeg eege ma gabiley oo aynu ognahay inay ka mid tahay gobolada dalka ugu aqoon yahanka badan ayaynu odhan karnaa waxa laga waayay cid hanata xilka badhasaabnimo ? Maxaa loogu soo xulayaa xaabada qurbaha hadaad si mug leh u sii eegto marba marka ka dambaysa ayay ka sii darayaan imikay ka sii dareen oo waxay u magacaabeen mustafe shiine oo shan sano london dhex jiifay oo aan maalin kaliya shaqo tagin tiisaba daryeelaa tu kalena ku dara mustafe shiine shantaa sano ee uu london joogayba waxuu fadhiyay oceon hotel ee maxuu ku soo kordhin karaa gobolka gabiley. Magacaabista shiine iyo xashiishkan qurbahu waxay meel ka dhac weyn ku tahay milgaha iyo sharaftii gobolka gabiley reer gabileyna iyagaa halkaa is dhigay. Gebogebada isku soo wada duuboo waxay tahay su,aasha iswaydiinta mudan gobolka gabiley ma waxuu noqdey xabaashii xaabada qurbaha

MUKHTAAR CABDILAAHI NUUR

OTTOWA

CANADA

COMMENTS
LINKS