Fadliga soonka Bisha Ramadaan- aa4 SH, JAABIR | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadliga soonka Bisha Ramadaan- aa4 SH, JAABIR
July 2, 2014 - Written by Editor:

Fadliga wayn ee soonka bisha ramadaan leeyahay waxaa ina tusinaysa aayadaha qur’aanka ah iyo axaadiista rasuulka s.c.w taasi oo sida rasuulka kasoo aroortay axaadiis farabadan oo sunihiisa ku sugan uu sheegay in soonku yahay dhufayska laga galo wixii naftu jeceshahay ee aan fiicnayn,sidoo kalena uu qofka gaashaan uga noqdo naarta,waxaanu allaah koreeye ku khaas yeelay dadka saa,imiinta ah albaab ka mid ah albaabada jannada oo la yidhaa arrayaan kaasi oo aanay ka galayn iyaga mooyaane cid kale, markay galaana waa la xidhayaa,allaah kuwaas ha inaga yeelo,aamiin aamiin,waxaa kale oo soonku yahay mid ka gudhiya nafta wixii kibir iyo calool la ciyaar ah ee aan u habboonayn inay raacdo,taasi oo diintu u jidaysay soon qofka shabaabka ah ee guurdoonka ah isla markaana aan awoodi karayn inuu guursado ee wali aan waxba isla haynin, inuu iska soomo si naftiisu ay u dhinto laab la kaca iyo hamiga badan ee haduu xalaal kari waayo xaaraan galin kara, waxaa kale oo bishan ramadaan soonkeedu yahay mid jidh iyo nafba edeb loogu samaynayo oo la rabo inay dareento gaajada iyo in dharagii faraha badnaa ee joogtada ahaa meesha ka baxo si markastoo calooshu u gaajooto aad u dareento in waxa masaakiinta hayaa aanu sahlanayn dabadeedna aad u noqoto qof sadaqada iyo waxsiinta masaakiinta ku dadaala,markaa xiligan ramadaanta looma baahna in cuntadii iyo cabbistii aad maantoo dhan kasoo soomanayd aad hadana caawoo dhan wado,waayo macnaha guud ee soonka ayaa ah mid edaabtiisu tahay in bishan wixii dharag ah ee saayid ah la iska ilaaliyo,iyadoo allaah uu inoo baneeyay ayaa hadana la rabaa inaanad is dibirin, markaa bishan ramadaan waa bishii sadaqada iyo daacaadka in la libinlaabo loo baahnaa waxaana ku sugan ajar wayn iyo fadli dheeraad ah,sida uu rasuulku s.c.w xadiis ku sheegayna waxaa uu yidhi “ma jiro adoon dar allaah usooma maalin –wuu jiraaye –yacniga, haduu jiro waxa uu allaah adoonkaas wajigiisa ka fogeeyaa naarta todobaatan dayrood(sannadood)”

sidoo kale waxaa xadiis macruuf ah kusoo aroortay inuu rasuulku yidhi “qofka bishan ramadaan sooma isagoo iimaan iyo ajar wayn allaah ka rajaynaya waxaa laga dhaafaa wixii danbi ah ee uu soo hormarasaday”…… .

Bishan barakaysan ee ramadaan waa bishii allaah soo dajiyay quraanka waana bil ay aad iyo aad u fiican tahay in quraanka akhriskiisa iyo dhagaysigiisa iyo ku cibaadaysigiisaba la badiyo,waa bil la rabo in umadu isa saamaxdo oo ka toobad keento wixii xumaan ahaa ee dhexdeeda yaalay,waa bil barakaysan oo shayaadiinta la xidhxidhay oo la inaga rabo inaynu jaaniskaa ka faa,iidaysano oo laga qaniimaysto khayraadka iyo fursadaha dahabiga ah ee bishani xanbaarsan tahay,waa bil albaabada naartu xidhan yihiin kuwa jannaduna furan yihiin, runtii waa bil aad arkayso iyadoo ay durtaba yaraadeen buuqa iyo laqwiga suuqyadu ama magaaladu,taasi oo loo tiirinayo khayrka iyo jawiga xasiloon ee ay ina huwisay bishani,taasi oo aad arkayso in dadku miciinsadeen akhriska qur’aanka iyo joogista faraha badan ee masaajida ayagoo waqtigooda ay ku cammireen cibaado iyo digri, taasi oo ah waxa ugu khayrka badan ee waqtiga lagu buuxin karo.

Halka ay dadka qaar allaah hasoo hadeeyee ku dhaqaaqaan waqti lumin,bal u fiirso akhristow waxa aan fiicnayn kalmadan lafteedee marka waqtiga lagasoo qaado wax lumi kara miyaanay soonkaagiina lumi Karin? runtii haa waayo waxa halkaa kaaga nusqaamaya ajar faro badan oo ka go,an nimcadii waqtiga firaaqo ee allaah kuugu nimcaystay, bal u fiirso dad badan oo saaimiin ah ayaad arkaysaa iyagoo dhawr saacadood kubad daawanaya ama shax ciyaaraya ama turub ciyaaraya, oo aan mar kaliya aan xasuusanayn digriga allaah,iyadoo waliba meelaha qaarkood marka qaflad la galo ay ka dhacdo rabshad iyo is khilaaf xaga cuquusha ah,ala badanaa inta dad soonkoodu ka buray ee wali af xidhan, waana mashaakil hadii qofku kala garan waayo waxa soonkiisa u fiican iyo waxa u xun,waliba ta ugusii wayn ee maanta jirtaa waxa weeyi soo jeedka faraha badan ee lagu cawaynayo maalaa yacniga aan nafta lahayn kaasi oo isna dabada ku wata hurdo badan oo maalintii dadku ay seexdaan iyadoo aad arkayso qof sooman oo salaadii hurdo kaga tagtay… walaalayaal inagoo halkaa maanta kusoo xidhayna arrintaas aad halooga fikiro loogana tashado waayo ayaamihii rabadaan way isgurayaan waana bil marti ah oo ina dhaafi doonta allaah ha ina waafajiyo khayrka bishani leedahay aamiin aamiin

COMMENTS
LINKS