Fadliga Soonka Bisha Ramadaan 6aad SH, JAABIR | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadliga Soonka Bisha Ramadaan 6aad SH, JAABIR
July 4, 2014 - Written by Editor:

Soonka bisha ramadaan wuxuu leeyahay barakooyin fara badan oo ay ka kow tahay in qofka sooman uu yahay mid ducadiisa la aqbalayo,taasi oo qofka sooman looga baahan yahay inuu jaaniskaa iyo fursadaa ka faa,iidaysto oo uu ku dadaalo sidii uu rabbigii u baryi lahaa khaasatan waxaa jirta waqtiyo ay aad iyo aad u sii fiican tahay ducadu sida waqtiga affurka la bilaabayo iyo marka loo diyaar garoobayo ee loo kaco salaada maqrib,khaasatan marka la aqiimo ee aan wali la xidhan salaada waa laga gaadhsiin karaa in duco ah oo kugu filan,iyadoo adoonka la waafajin karo khayrka aduunyo iyo ka aakhiroba inuu ku helo kalmado kooban oo uu rabbigii ku baryay.

Mar arrintaas uu rasuulku s,c,w. inoo sheegayayna wuxuu yidhi xadiis saxaduusu iska fiican tahay oo shaahid leh marka loo eego xadiiskan aan sheegi doono dabadiis “sadex baryootamay waa la ajiibaa qof sooman,qof la dulmiyay,qof safar ah”.

Waxaa kale oo xadiis rasuulku ku sheegay s.c.w “sadex baryadooda lamaba soo celiyo qofka sooman markuu affurayo,iyo boqor caadil ah,iyo qof la dulmiyay” .

Marka aan axaadiistaa dheehano waxaa kuu baxaya macnaha balaadhan ee ducadu ugu fadhido qofka sooman iyadoo waliba rasuulku s.c.w uu si gaara ugu xusay xadiiskan labaad iyo kan soo socdoba in qofka sooman leeyahay duco la aqbalo oo ku beegan waqtiga affurka sida uu kasoo wariyay camar bin caas allaah raali ha ka ahaadee wuxuu yidhi rasuulku s.c.w “wuxuu leeyahay qofka soomani markuu affurayo duco aan lasoo celin”.waxaa markaas iyana loo baahan yahay in allaah lagu baryo ducooyinka soo arooray ee sunaha ah taasi oo ay ka mid tahay ducada macruufka ah ee rasuulku s.c.w ku ducaysan jiray markuu affurayo ee ahayd “wuu tagay oonkii,curuuqduna way qoyday,ajarkuna wuu sugnaaday isha allaah “.

Umuuraha kale ee qofka affurayaa inuu ka faa,iidaysto loo baahan yahay waxaa ka mid ah inuu affurkiisa ka qayb galiyo dad kale xattaa qof ama laba haduu karo waa sax, ama casuumad haka dhigo ama sadaqee koloy adiga waa in ciduuni kula affurato oo arrinkani noqdo mid loo tartamo sidii qofba qofka kale ugu yeedhan lahaa ajarka wayn ee ku sugan markaad eegto xadiiska rasuulka s.c.w uu yidhi” qofka affur siiya qof sooman wuxuu leeyahay ajarka qofka soomani lahaa oo kale iyadoo aanay kan la affur siiyay wax ajar ah looga qaadayn kan kale affurka bixiyay ” .

Waxa kale oo iyadna sune mu,akad ah in qofka walaalkiisa muslimka ahi u yeedho ee ka dalbado inuu maanta lasoo affuraa ay tahay sidaasi shay u adag oo aan loo baahnayn inuu yeedhmadaa iska dhaga mariyo,waayo wuxuu rasuulku xadiis ku yidhi “xaqa uu muslimku muslimka kale ku leeyahay waxaa kamid ah haduu kuu yeedho ajiib”.

Markaa qofka diidaa waxa uu ka dhigan yahay qof rasuulka muxamed ah caasiyay. s.c.w

Iyadna waxa aadaabta kamid ah hadiiba aad maalintaa walaalkaa raacdo oo uu ku casuumo waxaa sune ah inaad ugu ducayso goobtiisaas adigoo ku dayanaya rasuulka s.c.w ,waxaana axaadiis kusoo aroortay inuu rasuulku odhan jiray isagoo u ducaynaya qofka cuntada bixiyay ” cuntadiina dad suubani ha cunaan,malaa,igtuna ha idiin ducayso,hana idinka affuraan dadka soomani,”

Iyo xadiiska kale ee rasuulku yidhi “allow quudi cida i quudisa,allow waraabi cida i waraabisa” iyo isna xadiisa kale ee rasuulku yidhi isagoo u dacaynaya cid ku casuuntay “allahayaw u danbi dhaaf,allahayaw u naxariiso,allahayaw u barakee wuxii aad ku arsaaqday” .

Marka aad u fiirsato axaadiista shariifka ah ee kusoo aroortay sida uu rasuulku ula macaamaloon jiray dadka iyo sida uu had iyo jeer u fari jiray dhaqanka suuban iyo is dhexgalka fayaw ee dadka waa wax aad iyo aad ula dhacayso,waxaanad is odhanaysaa malaha reer magaalnimada iyo ilbaxnimada ay bulshooyinku ku faanaan waa hadh iyo dhalanteed marka loo eego dhaqankii diinta islaamku la timid Markii ay aduunyadu ka leexatay tubta toosan iyo tababarkii rasuulkeena s.c.w

Xigmada ugu wayn ee rasuulka muxamed ah loo soo dirayna waxay ahayd kalmada tawxiidka iyo midaynta kalmada ummada,taasi oo tafsiirkeedu yahay sidii is dhexgalka suuban ee umadu u noqon lahaa saf kaliya. safka umadu taagan tahayna u ahaan lahaa mid kaliya,taasi oo waxa umada isku xidhi kara ee ay isku jeclaan karaan yahay waxa allaah iyo rasuulkiisu sheegeen,waxaana aad arkaysaa in ay tan affurku ka qayb qaadanayso isku soo dhawaanshaha dadka, iyadoo marka dadka jidhkoodu iskusoo dhawaadaba uu qalbigoodu iskusoo dhawaanayo,waxaana hadii la doonayo dhismo umadeed laga bilaabi karaa dhismo qoys,kadibna dhismo laba qoys,sidaasuu jaar qoys kaliya isku ahi ku dhismi karaa, umadanina ku noqon kartaa mid isla jaan qaada,mana xuma hadii maanta todobadii rag ahiba intay affurkooda iskusoo daraan ku affurtaan maalinba guri mudo todoba cisho ah waxay arki lahaayeen oo xaqiiq ah barakadoo lugaynaysa,oo uu kow ka yahay caafimaad jidheed iyo caafimaad ruuxi ah, waxaana halkaas lagaga raysan lahaa iska war hayn la,aanta xun ee maanta ay inagu seegeen waxa badani if iyo aakhiroba.

Fadlan akhristaw tani maaha figrad ee waa diin waxaana lagaaga baahan yahay inaad ahaato mid ku dhaqanka diinta ku nool ee aan ku noolayn u nisba sheegasho diineed.

Kolay cilmi diineedna waa ka kaa muuqda ee marka laguu sheego ay ku fuulayso masuuliyadiisa fulineed, ala khayr badanaa qofka arin maqla ee gaadhsiiya dadka ala khayr badnaa kan loo sheegay ee fuliyay,waxaana arrin la ogyahay ah in qofka fulinta ka shaqeeyaa uu ka fiican yahay kan isagu wuxuun sheega,sidaa darteed baa loo kala samaysan yahay shaqada oo qofbaa isaga looga baahan yahay inuu ahaado mid xasuusiya oo tilaama dadkeedii.

Akhristow allaah ha ina waafajiyo khayrka hana inaga dhigo kuwo bishan barakaysan ee khayrka qabta barta oo sare usoo qaada aqoontooda diineed, hana inaga dhigo allaah kuwa ka faa,iidaysta jaaniska nololeed aa aynaan hubin waxay ku danbayn noloshu iyo inaynu gaadhi ramadaanta danbe…..

Lasoco…..

Waxaa qoray sh. jabir

COMMENTS
LINKS