Fadliga soonka Bisha ramadaan-2aad iyo 3aad ;Sh, Jaabir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadliga soonka Bisha ramadaan-2aad iyo 3aad ;Sh, Jaabir
July 2, 2014 - Written by Editor:

Allahayaw bishan ramadaan naga yeel kuwii loo naxariisto awalkeeda ee loo danbi dhaafo badhtankeeda ee naarta laga xoreeyo naarta aakhirkeeda aamiin aamiin.

Intaas marka aynu ka gudubno waxaa si taxane ah inoogu socday ka hadalka bishan ramadaan iyo fadligeeda,taasi oo aan is dhex dhignay axkaam iyo macluumaad guud oo qubne ah oo ku saabsan bishan barakaysan ee ramadaan,waxa aan sidaa u dooranayna waa si maalin kasta qoraalkeenu u xambaarsanaado faa,iidooyin kala duwan.

Maantana waxaan kasii wadaynaa isla dariiqaa hore inagoo ugu horsiinayna umuuraha aynu xagan hore inaynu xusnaa ay muhiim tahay sida niyada oo oo ay waajib tahay inuu qofku niyoodo habeenkii markuu cashaynayo ama suxuuranayo si hadii ay hurdoba ula tagto uu ahaado qof cashadii kadib soonkiisu usii xidhnaa,waxaana fiican in habeen walba goonidiisa loo niyoodo,waana shaygaa waajibka ah ee aan laga tagi Karin waxaanu ka duwan yahay soonka sunaha ah oo isaga hadii waagu kuu baryo adigoon xalay soon xidhan aad iska niyoon karo mina subaxda hadii aanad markaa kahor cunto kusii gurin,markaa akhristaw ogow in aad habeenkii niyootaa bishan ramadaan inay waajib sidaas u tahay mana jirto meel ay diinta kaga taalo niyo lagu dhadhawaaqo iyo wax la akhriyo toona,balse niyadu waa qalbiga oo gashato inaad soomayso bari.

Qodobkaas hadaan ka gudubno waxaan u galaynaa suxuura iyo waxa ay diintu ka tidhi, sida xadiis laga soo wariyay saxiix nabigeena suuban s.c.w waxa uu yidhi “farqiga u dhaxeeya soonkayagan iyo soonkii ahlu kitaabkii naga naga horeeyay waa cunista suxuurta” markaas waa taas aad arkayso in suxuurto calaamad u tahay sida uu soonkan umada nabigu uga duwan yahay ee uu uga fiican yahay soonkii umadihii hore,markaa qofka suxuurta ka taga ee iska seexdaa wuxuu noqonayaa qof aan calaamad u yeelin soonkiisa,sidoo kale wuxuu noqonayaa qof sunihii rasuulka baal marsan oo ay xattaa barakadii suxuurtu seegayso,markaa adigoo iska casheeya oo seexda iyo adigoo suxuurta u kaca ogow waxaa u dhexeeya farqigaas wayn ee aan sheegnaye, waxaana taas ku tusinaya xadiis kale oo rasuulka s.c.w lagasoo wariyay oo uu yidhi “suxuurtu waa cunis barako lehe ha ka tagina kol midkiin uu qudhqudhiyo kabasho biyo ah, maxaa yeelay illaahay iyo malaa,igtiisuba way ku saliyayaan kuwa suxuuranayee” mida kale marka loo sii dhaadhaco macanaha iyo sirta balaadhan ee qofka suxuuranaya lala rabo waa toosida xiligan suxuurta oo ah waqti samadu furan tahay oo ducada muuminka la aqbalo isla markaana ay cibaadadu tahay tu aqbalaadeedu jaanis leeyahay laga faa,iidaysto,waxaana wax lagu suxuurto ugu fiicnaaday timir,sida xadiis rasuulku ku sheegay s.c.w isagoo yidhi “muuminka suxuurtiisa ta ugu fiicani waa timir” shayga kale ee soo raaca ee isna axaadiistu ina tusisay waa biyo,wixii kale ee aad helaysaana waa iska mubaax cunistiisu, sidaas markaynu taas u garanay waxaa iyana habboon oo sune ah in dib loo dhigo oo ilaa salaada subax horteed yar lagu simo inta u dhaxaysa qiyaasta uu qof ka akhriyi karo konton aayadood oo qur’aan ah suxuurta iyo salaada dhexdooda,markaas halkaas waxaad ka arkaysaa inay tahay waqti aad u yar mana haboona in sida dadka qaarkood saq dhexe la iska tooso oo qabqabtaas la guro,waayo taasi waa cilad ay hurdo danbe kugu qaban karto ilayn waxaan dhawayn salaadii subaxe,hadii aanu qofku intaas ka hadhay salaatulayl ku cammirayn waxa uu ku gabood falayaa inuu ka seexdo salaada subax,markaa iska ogow in diintu nidaamisay wax kastoo inoo fiican iyadoo hor dagtay waxaan maslaxad inoo ahayn.

Guntii iyo gabagabadii maanta waxaan kaga baxaynaa in xukunka suxuurtu yahay xukun aad u adag iyo sune mu,akad ah oo aan laga tagi Karin marka la isku shaandheeyo nusuusta kusoo aroortay.

Allaah ha inaga yeelo kuwii caafimaad iyo firfircooni soonkooda ka qaada, isla markaana soonku u noqdo waxay kaga bogsadaan cuduro badan oo daahir iyo baadinba leh, ila markaana ka waantooba inaanay soonkooda ku camirin khamaar iyo kusoo jeed laqwi iyo muran ee allaah ha inaga dhigo kuwii cibaado iyo digri ku toosa kunasoo jeeda,kana faa,iidaysta fursadan cumriga iyo jaaniskan aan soo gaadhnay maanta,waxaana allaah aan ka baryaynaa inuu ramadaantan macalin inooga dhigo aan ka qaadano tarbiyada fiican ee dulqaadka iyo saamaxaada leh iyo sadaqada iyo ka tanaasulka wixii balwad ah ee inagu cindanaa, sida caytan iyo ceeboo dhan, allah ayaynu baryaynaa ducadana isagaa ajiiba, aamin aamin aamiin

 

Lasoco….

Sh.jabir hargeisa

Fadliga soonka

Bisha ramadaan Q3aad;;;;;;;;;;;;;;

 

Kadib Markii aan kasoo hadalnay suxuurta iyo sida ay u nidaamisay diintu waxa aan maanta halkan ka galaynaa masalooyin kale oo iyaguna daruuri ah oo looga baahan yahay qofka muuminka ah.

Sida CADAYGA oo isagu waqti kasta la ina amray balse waqtigan ramadaanta ah shay aad usii daruuri ah taasi oo uu bishan khayrka qabta qofku aad iyo aad u dhexgal badan yahay xaga bulshada marka aad eegto goobaha cibaadada iyo majaalista la iskugu yimaado ee caamka ah,sidaa darteedbay habboon tahay inuu qofku ku dadaalo cadaygiisa,waxaana sunaha rasuulka lagasoo wariyay axaadiis badan oo arrintaas dhiiri galinaysa sida xadiiska uu rasuulku sheegay ee ah “hadii aanay umadaydu ku dhib mudanayn waxaan amri lahaa caday markastoo ay tukanayaan ama –ay waysaysanayaan ” markaad xadiiskaas eegto waxaa meesha ka baxaya fikradii khaldanayd ee dadka qaar lahaayeen cadayga badani ma fiicna oo soonkuu wax yeelaa,waxaa kale oo iyana sune ah in loosoo labisto masaajida oo qofku uu wuxuu cadar helayo isasoo marsho,marka dumarka laga reebo oo arintaasi ka reeban tahay sharci ahaan, taasi oo uu ina tusinayo quraanka kariimka ahi aayada uu allaah yidhi “qaata quruxdiina salaad kasta” sidaa darteed waxaad arkaysaa inay tahay goob uu qofka muslimka ahi hor taagan yahay rabbigiisa loona baahan yahay wixii aadaab ah ee ay kaa mutaysatay cibaadadu inaad la timaado,intaas hadaan raaciyo in yar oo xasuusin ah waxaa jira in dadkeenu marka ay afturayaan ay aad iyo aad usoo dhargaan kadibna goordhaw markay salaada galaan uu matag qabto iyadoo laga yaabo in halkaas uu ku qaribo dad iyo duunyo,markaas waxaa habboon in la iskasoo fududeeyo cuntada caruurtana sidaas la amro isagoo qofku goor dhawba aqalkiisii ku noqon kara iyo cuntadiisiiba, waxaa kale oo sune la ina amray ah in la dadajo afturka iyadoo la iska ilaalinayo wixii dagdag ah ee aan macquul ahayn balse dagdaga la sheegayaa waa inaanad la sugin afturkaaga ilaa inta aad arkayso xidigaha,waayo rasuulkaa yidhi s.c.w “umadaydu ka suuli mayso sunahayga ilaa inta aanay afturkooda la sugayn muuqadka xidigaha ” xadiiskan oo ku tusaya in cadeeda uun la iska ilaalinayo oo marka la xaqiiqsado inay dhacdo la affurayo,sidoo kale waxaa isna sune ah in affurku ka horeeyo salaada maqrib waa marka uu yahay aftur waafaqsan kii rasuulka s.c.w ee fududaa waayo hadii aad soo cashaynayso dee runtii waad habsaamaysaa waxaana dhacaysa in qofku sidaa kaga habsaamo jamca salaada maqrib,sidaa darteed ogow in affurkaa fudud ee ka horeeya salaada maqrib uu sune yahay sidaana waxaa ina tusinaya xadiiska rasuulka ee ah “sadexbaa akhlaaqdii nabiyada ah, dadajinta afturka,dib u dhiga suxuurta iyo gacanta midig oo la dul dhigo tan bidix marka qofku tukanayo.” Waxaa iyana sune ah in qofku ku afurto timir iyo biyo taasi oo axaadiista ina tusisay ay badan tahay,waxaana halkaas aad ka arkaysaa in rasuulkeena suubani naxariisi korkiisa ha ahaatee uu ku dadaalayay sidii umadiisu u kasban lahayd khayrka aduunyo iyo ta aakhiro intaba isagoo aan ku hadlayn kuna dhaqmayn wax waxyi ah mooyaane wax kale oo xattaa ka fog figrad, iyadoo maanta ay dhakhaatiirtu sheegtay in la ogaaday in timirta iyo biyuhu yihiin kuwo si dagdag ah u raaca dheefshiidka isla markaana u fiican caloosha iyo hab dhiska dhiig wareeg ee jidhka bal markaas u fiirso miyaanu rasuulku dhaqtar ahayn?jawaabtu waa haa…

 

 

Lasoco

COMMENTS
LINKS