Doorashada Somaliland Iyo Argtida Sadexda Xisbi Keebaa Saxa Faa,Idana U Leh Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashada Somaliland Iyo Argtida Sadexda Xisbi Keebaa Saxa Faa,Idana U Leh Dalka.
July 3, 2014 - Written by Wariye:

Hadaba Waxaa Meesha Taal Doorasho Ma Dhacaysaa Hadii Aan Su’ashaa Ka Jawaabo Waa Haa Dawlada Way Ka Go’an Tahay

Asc Dhamaan Bulashada Somaliland Waxan Maanta Qalinka U Qaataahay

 Inaan Ka Hadlo Doorashada Somaliland Ee 2016ka Taas Oo Leh Muhiimadeeda

Hadaba Waxaa Meesha Taal Doorasho Ma Dhacaysaa Hadii Aan Su’ashaa Ka Jawaabo

 Waa Haa Dawlada Way Ka Go’an Tahay Inay Doorashada Qabato Taas Oo Ay Diyaargarawgeedii

Wado Arimuhuna Hada Yihiin Gabagabo Iyadoo Dawladu Dhaqaalihii Ku Bixi Lahaa Qaybteeda

 Haysa Waxa La Sugayaana Waa Caalamka Iyo Xisbiyadu Inay Taageeraan Qorshaha Dawlada

Oo Ah In Labada Doorasho Ee Parlamenka Iyo Madaxtooyada Mar La Wada Qabto Taas Oo

Hore Loo Ansixiyey Golaha Guurtida Iyo Parlamenkuba Hadaba Yaa Diidan Taas Iyadoo

Dhaqaale Ahaana U Fiican Maadaama Aynu Nahay Dawlad Curdina Oo Aan Iyadu Qaban

Karin Hadaan Beesha Caalamku Ka Tageerin Kuwa Daneeya Jiritaanka

Somaliland

 Hadii Aynu Xisbiyada Kala Qaadno Xisbiga Talada Hayaa Kulmiye Waa Xisbi Xakimkii Wuxuuna

Taagersan Yahay Aragtidaa Xukuumada Iyadoo Ay Jiraan Inay Si Kale Mucaaridku Wax Ugu

Sheegaan Gudoomiyaha Muuse Kana Dhigayaan Inuu Aragtidiisa Mucaridka Ku Raaco

 Iyagoo U Sheegaya Inaanu Aragtidiisa U Madax Banaanayn Hadaba Waa Maxay Sabata Ay Iyagu

Ka Lee Yihiin Aan Ku Horeeyo Xisbiga Wadani Iyo Gudoomiye Ciro

 

Xisbiga Wadani Waxay Dani Ugu Jirtaa Inaan Doorasho Dhicin Wuxuuna Og Yahay Inaanu

Dawlada Kula Tartami Karin Xilka Madaxtooyada Wax Kastuu Ku Dibin Daabyayeynayana Waa

Samaynayaa Si Uu Mucaaradiisa Uga Gun Gaadho Dadkana Tuso In Dawladu Korodhsiimo Donayso

 Waayo Gudoomiye Ciro Wuxuu Rabaa In La Hor Mariyo Tan Madaxtooyada Oo Isaga Faa,Ido Ugu

Jirto Hadii Uu Waayo Waa Gudoomiyihii Parlamenka Si Hadhow Taas Loo Geliyo Inay Raagto

 Lana Yimaadaan Muxaafidnimo Si Ay Usii Joogaan Hadii Labada Doorasho Mar La Wada Qabto

Parlamenka Waa La Kala Dirayaa Hadi Silanyo Ku Soo Baxana Ciro Wuxuu Noqonayaa Qof Shacab Ah

 Ama Gudoomiye Xisbi Taas Oo Rag Damac Leh Hadhow Ku Soo Baxayaan Iyadoo La Odhanayo

Waad Guul Daraystatee Xisbiga Banee Markaas Marna Ma Rabo Inuu Cidla Ku Dhaco

 Hadaba Cirooy Hadii Doorasho Kaa Dhab Tahay Kalsoonida Shacabkana Haystid Bal Gudoomiyenimada

Car Wareeji Ama Sidaas Bulshada Isaga Dhig Mid Daacada Oo Dalkan Lexejeclo Ka Leh

 

Xisbiga Ucid Isagu Waraabe Xagii Loo Eryaaaba Waa U Banaan Waayo Maanta Ma Haysto

 Xubno Gole Parlamaan Waxaa Ugu Jira Ina Qabile Markaas Isagu Wixiisu Waa Dhalanteed

Aan Fahamsanayn Waxa Wadani Iyo Kulmiye U Dhexeeya Waxaana U Qurux Badan Inuu Raaco

Sidii Doorasho Ku Dhici Lahayd Tageerana Aragtida Dawlada Ama Xukuumada Kana Hawl Galaan

Sidii Doorasho U Dhici Lahayd Iskana Daayaan Hala Kordhiyo Gudida Doorashooyinka Iyo Ha La Kala

Diro Wax Saxana Maaha Sagaal Halaga Dhigo Oo Sadex Iyo Sadex Haloo Qaybsado Hadii Sidaas La Yeelo

Waxaa Imanaysa Isku Dhac Iyo Doorasho Aan Dhicin Iyo Lixdaa Mucaridka Oo Arati Isku Mida Qaata

Sax Iyo Khaladba Taasina Maaha Mid Dhacaysa Dawladii 50% Ku Soo Baxday Mid 18% Helay Isku Saami Ahaada

 Waxaa Meesha Taal In Ragaa La Doortay Ee Ti Hore Waday Waayo Araga Ah Dhaarsan Lagu Kalsoonaado

Iyaguna Noqdaan Dad Dhexdhexaada ,Dacad Ah Faysala Waxan Usoo Jeedin Lahaa Marba Hayska Daba Hadline

Hadalkaagu Ha Ahaado Mid Miisaan Leh Waxna Qira Waxna Qaata Sida Aad Maanta U Tidhi Dawladu Arimaha

Debeda Iyo Xuduudii Iyo Dhaqaalii Dalka Horumar Bay Ka Samaysay Taagnow Waana Run Dadkuna Waa Kugu

Taageerayaan Hadalka Saxa Ah Waana Kugu Hanbalyeynayaa Geesinimadaa Aad Shalay Samaysay Maraad Ka Hadlaysay Tageerayaal Kugu Soo Biiray Iyagana Aad Run U Sheegatay Oo Aad Tidhi Inankiinaad U Timaadeen

 Aad Iyo Aad Baan U Qoslay Ilayn Faysal Ma Naxo Waa Wiil Hoog Laakiin Mar Mar Buu Il Duufayaa Waa

Halkii Heestii Ucide Ninka Sameeyey Hoos Buu Ugu Dhigay – Waxna Aayar Buu Ka Ilduufayaa ,Ucid Baynu Nahay Kkk

            Hort A Hoos Ma Ugu Fiirsateen Heesta —

 

Shacabkana Waxaa La Gudboon Inaanay Ku Milmin Aragtiyada Siyasiyiinta Ogaadaana Waxa Mesha Yaal

 Iyo Cidwalba Danta Ugau Jirta Iyo Meesha Ay Danta Ka Lee Yihiin Iyo Waxa Iyaga U Danta Ah Yaana La Odhan

Dawladu Korodhsiimay Rabtaa Dawladu Korodhsiimo Ma Rabto Maalinta Caalamku Waxoda Soo Diyaariyaan

Doorasho Way Dhacaysaa Ama Xisbiyadu Dee Ha Bixiyaan Kharashka Maxay Wax Ku Rabaan Dawladu Doorashada

 Ha Qabato Ayaanu Lenahay Maaha Wax Saxa Dawladu Ma Lacag Bay Haysaa Hadaan Caalamku Inaga Bixin 75%

25% Dawladu Way La Galgalanaysaa Hana Layska Ilaaliyo Shaqaalaha Dawladu Qoranayso Ee Hadhow La Odhanayo Reer Iyo Magaalo Halagu Qaybsado Dad Cusub Haday Doonto Dawladu Cida Ay Mushaharka Siiso

Ayey U Diraysaa Goobahaa Si Kharshku Uga Yaraado Shacabow Wax Faham Dawladii Somaliya Askartaeeda Ayey

Meelahaa U Diri Jirtay Iyo Ardayda Oo Shaqo Barid Ku Qaadan Jiray Taasna U Diyaar Ahaada

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

 Tuse.Toosiye -Tilmaame

  Xudun ,Sool .Sland

 

jama adan mire diiriye <moonlight_mcss@hotmail.com>

COMMENTS
LINKS