|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Kenya Oo Ciidamo Dheeraad Ah U Qoranaysa Si Ay Isaga Difaacdo Weerarrada Al-shabaab.
July 4, 2014 - Written by Wariye:London(Wajaale News):- Dawladda Kenya ayaa ku hawlan qorista ciidan cusub oo ay kaga hortagto weerarrada iyo hawlgallada joogta ah ee dagaalyahannada Al-shabaab ka fuliyaan gudaha dalkeeda. Masuul lagu magacaabo Mr. Johnston Kavuludi oo ka mid ah madaxda ciidammada dawladda Kenya, ayaa sheegay in ciidanka la qorayaa gaadhi doonaan ilaa 6 kun iyo in ka badan oo askari, isla markaan laga kala xuli doono ilaa 20 degmo oo Kenya ka mid ah. Waxa kaloo dawladda Kenya sheegtay in bisha July ee sannadkan 2014 ay qoran doonto ilaa 10 kun oo ciidamo boolis ah si looga hortago weerarada ururka Al-shabaab, kaasoo Kenya gaadhsiiyey khasaare badan oo isugu jira mid amni iyo dhaqaale-burbur xooggan, isla markaana sababay in dalkiiska waddankaasi ku tiirsan yahay meesha ka baxo. Dadka la doonayo in lagu diro ciidammada millatariga iyo booliska ee Kenya, ayaa la sheegay in da’doodu u dhexayso 18 ilaa 28 jir, kuwaasoo aqoontooduna aad u sarayso, lagana doonayo inay ka hortagaan, iskana difaacaan weerarada Al-shabaab. Dawladaha Ruushka, Shiinaha, Israa’iil iyo Qarammada Midoobay, ayaa hore dawladda Kenya ugu ballanqaaday inay ka taageeri doonaan la-dagaallanka argagixisada iyo sidii ay isaga caabin lahayd weerarrada Al-shabaab. Tallaabada Kenya ku doonayso inay ku qorato ciidamo cusub, ayaa ka dambaysay markii dagaalyahannada Al-shabaab gudaha dalkaas ka fuliyeen weerarro khasaare badan sababay, kuwaasoo uu ugu dambeeyey mid bishii June lagu qaaday degaanka xeebta waddankaas, laguna dilay ilaa 65 qof. Hargaysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|